Sheekh Aadan Madoobe Oo Kulamo Wadatashi Ah Ka Bilaabay Baydhabo

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur galbeed.

Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo ka tirsan 135-ta oday iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulankooda waxaa looga hadlay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee uu ku baaqay Guddoomiyaha iyo sidii kooxda khawaariijta looga xorreyn lahaa deegaannada maamulka KGS.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa duubabka dhaqanka ka talageliyay arrimaha dib uheshiisiinta si loo gaaro midnimo iyo isku-tashi, waxeyna si buuxda u taageereen shirka, iyagoo isla adkeeyey in meel looga soo wada jeesto kooxda arxan-laawayaasha ah.

Sidoo kale Golaha Malaaqyada Dhaqanka ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ka dalbaday in si deg deg ah loogu dhawaaqo maalinta uu farmaayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading