Madaxwaynaha Koonfurgalbeed ayaa kulan la yeeshay ku xigeenka Hayadda gargaarka ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Mudane Peter Ekayu ku-xigeenka Hay’adda Isku xirka Gargaarka ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) Somaaliya oo ay wafdigiisa qeyb ay ka ahayeen Madax ka socotay Hay’addaha Qaramada Midoobay ee WFP, UNDP, UNICEF, FAO, IOM, WHO, UNHCR iyo UNFPA.

Kulanka Wafdiga iyo Madaxweynaha oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada ayaa Madaxda Hay’addaha Madaxweyne Laftagareen iyo Dowladda uu Hogaamiyo uga Mahadceliyeen Wada shaqaynta Wanaagsan ee kala Dhaxaysa waxaa dhanka kale ay Tilmaamen Socdaalkooda inuu yahay wax ka qabashada Baahiyaha ka jira Deeganada Koonfur Galbeed oo ay ugu Horeyso Saamaynta Abaarta.

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading