Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa dalka Ruushka kaga qayb-galay Shir muhiim ah

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa dalka Ruushka kaga qayb-galay Shir muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha dhallinyarada dunida islaamka, waxaana marti gelisay dowladda goonida isu-maamusha ee Tatarstan oo xubin ka ah midowga Federaalka Ruushka.
Shirkan oo ka dhacay Caasimadda Tatarstan ee Kazan waxaa ka soo qayb-galay wasiirrada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka wadamada Islaamka OIC.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo isugu jirta fursadaha iyo caqabadaha ay ka midaysanyihiin dhalinyarada dunida islaamku, wuxuuna wasiirku si gooni ah uga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay ugu jiraan inay Soomaaliya ka dhigaan dal lagu soo hirto oo soo jiita maalgashiga caalamiga ah maadaama dalkeennu leeyahay badda Afrika ugu dheer, in ka badan 8 million oo Hectares oo ah dhul beereed iyo in ka badan 50 Million oo ah noocyada kala duwan ee xoolaha.
Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in raasumaalka ugu qaalisan ee Soomaaliya leedahay uu yahay dadkeeda oo boqolkiiba 75% ay ka yaryihiin da’da 35 jir oo ah kuwa habeen iyo maalin ka shaqaynaya Soomaaliya nabadda ah oo isku fillan isagoo intaas raaciyay in kumanaan qurbaha wax ku soo bartay ay dalkooda dib ugu soo noqdeen si ay uga qayb-galaan dib u dhiskiisa.
Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay caqabadaha ay wadaagaan dhalinyarada wadama Islaamku wuxuu tusaale usoo qaatay kooxaha Argagixisada oo dhibaatada ugu badan ku haya dunida Muslimka ah iyagoo isku dayaya inay qaloociyaan fahamka saxda ah ee diinteenna Islaamka.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading