Deni Iyo Qaar Kamid Ah Ururada Siyaasada Puntland Oo Heshiis Gaaray.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo lix urur siyaasadeed oo uu ku jiro kan xukuumadda ee Kaah ay heshiis ka gaareen doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka maamulka Puntland.

Sida wararku sheegayaan, labada dhinac ayaa heshiis ka gaaray in dib loogu noqdo xallinta caqabadaha ka jira hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod oo ay hore usoo jeediyeen ururada siyaasadda.

Heshiiskan kadib, Lixda urur siyaasadeed ee saxiixay heshiiskani ayaa durba ku baaqay in loo diyaar-garoobo diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha oo ku muddaysan shanta bisha kowaad ee sannadka 2023.

Arrinta walaaca leh ayaase ah in heshiiskan ay ka maqnaayeen saddex urur siyaasadeed oo ay ku jiraan Horseed iyo Mideeye kadib markii sida la sheegay aysan ku qancin sida loo wajahay qodobada qaarkood. Deni iyo qaar kamid ah ururada siyaasada Puntland oo heshiis gaaray.

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading