Milkiilaha Cusub ee Twitterka wuxuu yiri $ 8 dollar qiima dhan waa inay bixiyaan dadka Verified haysta

Twitter calaamad sax ah haddii ay cinwaankaaga kuu saaran tahay, $8 ayaad bil walba bixin doontaa, si aad calaamaddaasi usii heysatid.

Twitter calaamad sax ah haddii ay cinwaankaaga kuu saaran tahay, $8 ayaad bil walba bixin doontaa, si aad calaamaddaasi usii heysatid.

Twitter ninka adduunka ugu lacagta badan oo ganacsade weyn ah ayaa la wareegay, wuxuuna rabaa inuu ka sameeyo lacago Malaayiin dollar ah oo aanan xad lahayn.

Milkiilaha cusub ee shirkadda Twitterka ayaa soo kordhiyey in qofka haysta calaamadda Tickta in bil waliba laga qaado 8 dollar Waa $96 sanadkiina.

 

Cinwaanada calaamadda saxda ah heysta ee Twitter sanadkii 2021 waxay marayeen ku dhawaad 400,000 oo cinwaan, sanadkaan way kasii bateen tiradaas, waxayna halkaas ka cad in Ninka aduunka ugu lacagta badan samayn doono lacaga badan oo aanan xisaab lahayn.

 

Waana fikrad cusub oo uu la yimid oo aanan horey shirkadani ugu jirin,Cinwaan walba haddii $8 bishii laga qaadana, waa lacag sanadkii 38 Milyan oo Dollar gaari karta.

Wuxuu Elon Musk oo dadka arrinkaasi kasoo horjeeda u jawaabaya soo qoray: “Dhamaan dadka cabanayoow, fadlan cabashada sii wada, lkn $8 ayuu qiimuhu ahaan doonaa”.

 

Sidoo kale wuxuu doonayaa Twitterka inuu jaanis weyn uga furo dadka Internetka ka shaqeysta ee muuqaalada sameeya, taasoo horey u lahayd Facebooga, Instagramka iyo Youtube-ka.

Ugu dambayn

Arintan ayey dad badani ku sheegayaan in Milkiilaha cusub ee shirkadani uu doonayo inuu isbadal dhab ah oo Muuqda uu rabo inuu ku sameeyo Shirkadda Twitterka.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading