Wasiirka Amniga gudaha XFS Maxamed Axmed Doodishe Shabaabka dhawaan wadanka waan ka xoreyn doonaa

Wasiirka Amniga gudaha XFS Maxamed Axmed Doodishe Shabaabka dhawaan wadanka waan ka xoreyn doonaa.

Waziirka Amniga gudaha ayaa sheegay inay baaritaan dhab ah ku samayn doonaan sababaha fudadeeyey ii bartamaha Magaalada ay ka dhacaan qarxyo sidaas u waawayn isagoo la hadlayey Telefishanka qaranka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in shabaab ay yihiin arxaan laawayaal ubaahana in wadanka laga xoreeyo.

 

Wasiirka Amniga gudaha XFS Maxamed Axmed Doodishe “ Shacabka la shaqeeya Laamaha Amniga si naftiina loo badbaadiyo, Wuxuu waziir doodisha sheegay in shacabku ay bilaabeen diidida bixinta lacago ay siin jireen shabaabka iyo xogihii kala duwanaa ay la wadaagi jireen kadib markii ay arkeen sida arxanka daran ay dadka uleynayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Waxaa xusid Mudan inaysan jirin wali dad ay dowladdu usoo xirtay qaraxyadii, dayac badana uu halkaas ka taaganyahay, waxaana wali muuqda raadadkii iyo qasaarihii kala duwanaa ee soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee naftooda iyo hantidoodaba ku waayey halkaasi.

 

Ma cadda waxay dowladu kaga falcelin doonta dhibaatadii dhacday ee qaraxyadii Zoobe 2, inkastoo ay xusid mudantahay in meelo badan oo katirsan wadanka ay kasocdaan dagaal ka dhanka ah kooxda shabaab, loogana xureynayo wadanka.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading