Soomaalidii ugu badneyd oo ka qeybgaleysa doorashada Mareykanka

Soomaalidii ugu badneyd oo ka qeybgaleysa doorashada Mareykanka

Soomaali fara badan ayaa ku kala nool guud ahaa gobollada Maraykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa ah gobolka ay degan yihiin tirada ugu badan ee Soomaalida ah, waxayna sheegeen inay u diyaargaroobayaan sidii ay uga qeybgali lahaayeen doorashooyinka xilliga dhexe.

Cod-bixiyayaasha dalkan Maraykanka ayaa isku diyaarinaya doorashada Xiliga dhexe ee loo yaqaano Midterm-ka, taasi oo qabsoomi doonta 8-da bishan November.

Sidii aad maalmihii tagay ku maqasheen idaacadeheenna, Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa barnaamijyo gaar ah oo taxane ah oo ku saabsan doorashadan idiin soo gudbinaysa.

Tixanahan ayaa qeybtiisan waxa aan kaga hadli doonaa Soomaalida u tartameysa heerarka kala duwan ee aqallada sharci-dejinta ee dhowr gobol oo ka tirsan Mareykanka.

Tiradii u badneyd ee Soomaali-Mareykan ah ayaa sanadkan u tartamaya kana qeybgalaya doorashada.

 

Dhanka kale Iyadoo hal toddobaad ay ka harsan tahay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka, ayaa saraakiisha Maraykanku ay muujinayaan walaaca laga qabo in xogaha qaldan ama wax marin habaabiya iyo saamaynta waddamada cadawga u ah Maraykanka ay horseedi karaan qalalaase dhaca.

Waxayna dadaal ugu jiraan inay kamid noqdaan dadka soo baxaya sanadkan.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading