Madaxweynaha Xasan Sheekh Oo Magacaabay Lataliyaha Xiriirka Caalamiga Ah Iyo Isuduwaha Barnaamijyada

Madaxweynaha Xasan Sheekh Oo Magacaabay Lataliyaha Xiriirka Caalamiga Ah Iyo Isuduwaha Barnaamijyada.

Muqdisho, Nofeembar 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Nasa Ige in uu noqdo Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading