Wazaaradda Diinta iyo awqaafta oo amara culus dul dhigtay Culimada Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo amarro culus kasoo saarta Al-sbabaab

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka ayaa awaamiir cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in maleeshiyada Al-Shabaab aan loogu yeerin magaca aan aheyn Khawaarij.

Awaamiirtan ayaa sidoo kale lagu mamnuucay faafinta ‘fikirka Al-Shabaab ee ku saleysan riddada, dilka iyo is-miidaaminta.’

Wasaaradda ayaa sidoo kale mamnuucday in culimada Soomaaliyeed ay la macaamilaan Al-shabaab.

Sida ku cad warqadan hoose

1. Wasaaradda iyadoo adkeynaysa Bayaankii shirkii 24-29 Oktoober 2022,waxay reebtay in kooxaha Khawaarijta ee ka daagalama Soomaaliya loogu yeero magac aan ahayn Khawaarij.

2. Wasaaraddu waxay reebtay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan-Kaligii muslinnimadda, dilka, isdilka iyo naftii halignimada- salna aan kulahayn Diinteena Islaamka ee xaaraanta ka ah.

3. Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimadda Soomaaliyecd la macamilka iyo aadista kooxaha Khawarijta, madaama la macaamilkoodu uu yahay faldambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.

4. Wasaaradu waxay bogaadinaysaa dadaalada ay Culimada Soomaaliyeed ku bayaaninayaan jidka toosan ee ay Diinteena Xaniifka ah inoo jideysay.

5. Wasaaradu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa in ay isukaalmeystaan wanaaga, gutaanna waajibkooda ku aadan taageerida gulufka dowladda ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ee caadeystay daadinta dhiga Shacabka Soomaliyeed.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading