Somaliland oo lagu eedeeyay inay maalintii 6aad madaafiic ku garaacayso magaalada Laascaanood facebook sharing button twitter sharing button linkedin sharing button

Duqa degmada Laascaanood Cabdirixiin Cali Ismaaciil, ayaa ku eedeeyay Somaliland inay maalintii 6-aad duqayn ku garacayaan gudaha magaalada Laascaanood.

Duqa Laascaanood wuxuu sheegay in la bartilmaameesanayo goobaha dadweynaha, isagoo sheegay in madfac maanta ku dhacay isbitaal lagu magacaabo Gargaar uu ku geeriyooday qof shacab ah oo rag ah.

Duqa Laascaanood ayaa dhinaca kale beeniyay inuu iska casilay xilkiisa. Wuxuu sheegay isagoo xilkiisa haya inuu soo bandhigayo oo uu ka hadlayo dhibaatada ciidamada Somaliland ka geysanayaan magaalada uu madaxda ka yahay.

“Aniga Hargeysa la igama soo magacaabin. Shacabkaygaa i doortay. Shacabkaygaa u shaqeynayaa. Cod gaaban iyo cod dheer waan ku sheegayaa dhibaatada shacabkayga ku dhacday,” ayuu yiri Cabdirixiin Cali Ismaaciil.

Duqa Laascaanood wuxuu sheegay inuu awooddiisa iyo masuuliyaddiisa ugu adeegayo shacabka reer Laascaanood ee sida uu sheegay ka hor yimid dulmiga lagu hayo.

Somaliland ayaa sheegtay inuu iscasilay duqa Laascaanood islamarkaana uu ku biiray dhinacyada kasoo horjeeda sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibada.

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading