Muxuu yahay Cudurka halista badan ee Parkinson ee ku dhaca habdhiska neerfaha iyo qaybaha jidhka ee la shaqeeya?

Parkinson’s waa cudur ku dhaca habdhiska neerfaha iyo qaybaha jidhka ee la shaqeeya, kaas oo si qarsoon u bilowda, tartiib tartiibna u sii xumaada.

Parkinson’s waa cudur ku dhaca habdhiska neerfaha iyo qaybaha jidhka ee la shaqeeya, kaas oo si qarsoon u bilowda, tartiib tartiibna u sii xumaada (Mayo Clinic).

 

Saddex dhibaato oo waaweyn oo dhinaca dhaqdhaqaaqa ah ayaanu keenaa;

 

  1. Gariir iyo lulan ku dhaca labada gacmood qaybta hore iyo gacanta oo dhanba,

 

  1. kaddib gaabis ku yimaadda isku xidhka dhaqdhaqaaqa xubnaha jidhka iyo xawaaraha ay xubintu ku samaynayso dhaqaaqa maskaxdu rabto,

 

  1. waxaa xiga qallaf aan caadi ahayn oo ku yimaadda muruqyada.

 

Inkasta oo aanay weli aadamuhu ku guulaysan dawo lagu dabiibo xannuunkan, haddana cilmibaadhisaha la sameeyey waxa ay muujiyeen in Faytamiin B12 uu caawiyo ka hortagga cudurkan.

 

Sababtuna waa Faytamiinkan oo lagama maarmaan u ah shaqada dareensideyaasha, waxa uu caawiyaa in neerfuhu si caafimaad ahaan saxan u shaqeeyo. Si habsami ahna farriimaha maskaxda u gaadhsiiyo qaybaha kale ee jidhka.

 

HALKEE LAGA HELI KARAA FAYTAMIIN B12

Faytamiinkan waxaa si dabiici ah looga heli karaa hilibka aan dufanka lahayn, kalluunka, digaagga, beedka, caanaha aan dufanka lahayn iyo guud ahaan cuntooyinka laga soo dheego oonta xoolaha.

 

Waxa kale oo laga helaa quraacda badarka / midhaha ka samaysan sida boorashka, qamandida, iwm.

Dadka waaweyn, dadka aan oonta xoolaha cunin iyo dadka aanu jidhkoodu awoodin in uu si fiican cuntada ugala baxo Faytamiinkan, waxaa lagula talinayaa in ay cunaan dawada faytamiin B12. (AL_Qabas).


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading