Qabaa’il la hubeeyaa ay wadanka dib ugu celinayso dagaal sokeeye oo uu sheegay in Soomaaliya hadda kasoo kabanayso Senatar Abdi Ismail Samatar

Qabaa’il la hubeeyaa ay wadanka dib ugu celinayso dagaal sokeeye oo uu sheegay in Soomaaliya hadda kasoo kabanayso Senatar Abdi Ismail Samatar.

Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo katirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska Daily Maverick ayaa wuxuu cinwaan uga dhigay “ Istaraatijiyadda Al Shabaab hadda lagula dirirayo waxay ku Soomaaliya ku hoobinaysaa cadaab aan dhammaad lahayn”

 

Senator-ka ayaa maqaalka ku sheegay in Qabaa’il la hubeeyaa ay wadanka dib ugu celinayso dagaal sokeeye oo uu sheegay in Soomaaliya hadda kasoo kabanayso.

 

“Madaxweynahu waa in uu aaminaa in aanu kalsooni ka haysan shacabka. Waa in uu dib u soo nooleeyaa kalsoonidiisa in uu yahay hoggaamiye qaran” ayuu kuyiri qoraalka

 

Si taas loo helana 4 arrimood ayaa la gudboon ayuu yiri oo kala ah.

 

1- Waa in la beddelo Raysalwasaaraha iyo golaha wasiirrada lana keeno kuwo ka tayo wanaagsan oo bulshada kicin kara, taladana lagu aamini karo.

 

2- Waa in la xoreeyo Muqdisho. Xoraynta Muqdisho waxay rajo u noqonaysaa dalka intiisa kale.

 

3- Dadka caasimadda waa in loo oggolaado in ay doortaan maayerka iyo golaha deegaanka.

 

4- Haddii lagu guuldarraysto in arrintan si degdeg ah loo fuliyo, waxa ay faca Soomaalida dhaxalsiin kartaa cadaab aan dhammaad lahayn.

Ugu dambayn sanatarka ayaa sheegay in howlgalada socda aysan lahayn qorshe sax oo dajisay iyo wajihid laysku wada raacsanyahay


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading