Madaxweynaha Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Difaaca Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney

Madaxweynaha Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Difaaca Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney.
MADAXWEYNAHA OO LA KULMAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA IYO DIFAACA JAMHUURIYADDA IRELAND MUDANE SIMON COVENEY
Muqdisho, Nofeembar 09, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabeeyey safar shaqo oo uu ku joogay dalka Masar ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wasiirka Simon Coveney xoojinta xiriirka Labada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horreeyey ee hoggaankoodu ay Soomaaliya soo gaaraan xilligii dalku uu la daalaa dhacayey colaadaha sokooye iyo duruufihii nololeed ee adkaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay halganka wadajirka ah ee shacabka iyo dowlad Soomaaliyeed ay maanta dalka kaga xoreynayaan argagixisada iyo dadaallada xooggan ee gurmadka abaaraha, waxa uuna ka rajeeyey Jamhuuriyadda Ireland in ay arrimahaas gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan iyo kulankan miro-dhalka ah, waxa uuna sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codka Ireland ee gudaha Midowga Yurubna ay ka kabayaan dadaallada dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyagoo inta ay ku sugnaayeen Sharma Sheekh ku soo bandhigay caqabadaha xooggan ee dalkeenna ka soo gaaray isbeddelka cimilada.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading