Side Ayuu Bulshadeena U Galaaftay Baraha Bulshada “Social media” & Samaynta Xun Oo Ku Reebay Badqabka Maskaxdeena?

waxaa ah arin lala yaabo baraha bulshada ay si dhab ah inoo kala fogeesay, dadkuna aysan ku baraarugsanen.

* Baraha bulshadu waxay noqon kartaa mid halbowle u ah isku xirka & xariirka bulshada, balse dhanka kale waxay abuurikartaa dareen been ah adigo umalaynayo in aad dadka ku xirantahay.
* Dada yarta qarnigan waxay aad ugu tiirsan yihiin barahabulshada, iyagoo abuuraya aragtiyo & xiriir an xaqiiqo ku dhisneen.
* Baraha bulshada waxa ay dhab ahaantii abuuri kartaa inuu meesha ka boxo xariirki macnaha lahaa ee dadka ka dhaxeeyay.
*Baraha bulshada waxay nuxurka ka qadaa xariirkii dhabta ahaa ee bulshada ka dhaxeeyay.

Waxaa laga yaabaa in sababta ugu yaabka badan ee maanta casriga ah, ee qariskatuurka, go’doominta, xitaa niyad-jabka ay door muuqdo ku leedahay baraha bulshada.
Dhinaca kale, marka loo isticmaalo si xilkasnimo iyo dhexdhexaad ah, baraha bulshadu waxay nolosha ka dhigtaa mid fudud oo wanagsan. Waxa ay siin kartaa xidhiidh joogto ah, la xidhiidhka asxaabta iyo qoyska. Baraha bulshada waxa kale oo ay abuurtaa fursado kor loogu qaado ganacsiyada yar & in kor loogu qaado wacyiga qofka hadii dhanka wanagsan loga faa’idaysto.
Dhinaca kalebaraha bulshda hadii loo adeegsado si aan mangal ahayn ama garasho la’aan, waxay noqon kartaa Aalad abuuri karta nacayb, cadaawad, macluumaad khaldan iyo dhibatooyin kale oo waa weyn sida (qatar amni iwm).
Xitaa marka aan ilaalino waxyaabaha madaniga ah, tignoolajiyada iyo baraha bulshada ayaa si xad dhaaf ah loo isticmaali karaa. Waxaad ku arkaysaa meel kasta oo aad tagto. Rag iyo dumar, dhalinyaro, & xataa carruurba waxay fadhiyaan iyagoo eegaya telefonka gacanta ee gacantooda ku jira. Dadku waxay u urursan yihiin kooxo laakiin waxaa beddela shashooyinkooda yaryar. Darawalada ayaa isku daya in ay isteejiyaan baabuurta marka ay fariinta dirayaan, taas oo khatar gelinaysa rakaabkooda sidoo kale darawalada kale.
Dhammaanteen waxaan aragnay kooxo saaxiibo ah ama qoysas dhan oo ku wada casheynaya maqaayadaha, iyaga oo iskajoojinaya wada hadalkii shaqsi ahaan inay si u eegaan taleefannadooda gacanta.

Runtii, cilmi baaris sii kordheysa ayaa sanad walba si cad u muujineysa in isticmaalka baraha bulshada ay leedahay dhinac madow (darkside) oo ay ku jiraan khatarta sare ee ka bixitaanka, go’doominta, iyo niyad-jabka nafta. Khatarta ka dhalan karta isticmaalka xad-dhaafka ah ama isticmaalka an xadidneen ee baraha bulshada waxaa ka mid ah:

Xirfadaha isgaarsiinta iyo wada hadalka oo hoos u dhaca
Iskawarqabka qofka & shaqsiyadisa oo hoos u dhacay
Khatar dhab ah oo ay sabab u tahay mashquulinta
Dareenka kalinimada iyo kali ahaanshaha oo korodhay
Qabatinka isku xirka iyo FOMO the Fear of Missing Out”Cabsida maqnaanshaha
Isku kalsoonaanta oo hoos u dhacda & walaaca isbarbar dhiga“comparison anxiety” oo abuura dareen xun.
Matalaad macmal ah, taas oo cadeyneysa adiga iyo ra’yigaaga mid aan u qalmin dareenka dadweynaha.

Dhalinyaradu wa kuwa ugu badan ee qabatima baraha bulshada wuxuna noloshoda ku yeshaa    saameyn xun.

Dhalinyaradu inta badan waxay ku yeelataa saameeyaan xunbaraha bulshada marka laga eegayo dhanka caafimaadka, maskaxda iyo badqabka. Arrimahaa isku dhafan, dhallinyaradu waxay u muuqdaan inay si gaar ah ugu tiirsan yihiin barahabulshada, dabecadaha saxiibadood iyo oggolaanshiyahooda, taasoo ka dhigaysa inay si ugu nugul yihiin waxyeelada barahabulshada, oo ay ku jiraan dhibaatooyin, takoorid iyo cagajugleyn. Dhalanyarada “Waxay ka murugodaan ayago ka fakiraya dadka kale oo ay ka arkeen baraha bulshada inay kanolol fiican yihin Dr Nisha says.

“Waxa xaqiiqo ah in badi dadka baraha bulshada ay so dhigan noloshoda inta ogadasare ka macan aygoo mujinaya inay nolol fiican ku jiraan, si ay u helaan ka mid ahaansho been abuur ah ayago radinaya waxa afka qalaad lagu yirahdo Social approval.  Dr Agure says.
Marka la tixgeliyo xiriirka ka dhexeeya kalinimada iyo isticmaalka baraha bulshada, daraasaduhu waxay muujinayaan in habka uu qofku u isticmaalo baraha bulshada ay muhiimtahay. Isticmaalka tignoolajiyada si loo horumariyo saaxiibtimo cusub iyadoo la adegsanayo “Facebook, Twitter, Insta & TikTok iwm, waxay caawin kartaa cilaaqaadka qaarkood inay koraan. Si kastaba ha noqotee, haddii baraha bulshadu u shaqeyso sidii beddelka xiriirka shaqsi ahaaneed, dareenka kalinimada iyo isku filnaan la’aanta aya si siyaadi karto.

Ku-tiirsanaanta faraha badan ee Baraha Bulshada waxay kugu rebi karta dhibaato.

Inuu qofka ku tirsanado baraha bulshada si an ka fiirsi lahayn waxay dhibateyn karta noloshiisa.
In kasta oo intarneedka ama baraha bulshadu ay ku siin karaan macluumaad waxtar leh iyo goleyaal isgaarsiineed oo aad layeelato asxaabta iyo qoyska, ku tirsanaanta baraha bulshada waa wax aan faa’iido lahayn waxyna lumisaa xariirki dhabta aha ee macnaha laha ee dadka ka dhaxeeyay. Dadka wanaagsan ayaa halkaas jooga, waxayna rabaan oo u baahan yihiin saaxiibtimo togan sida adiga oo kale.

Doorashooyinku waa kuwo aan xad lahayn. Ku biir beerta ama naadiga aad isleedahay waxtar ayay ku leyihiin sida Naadiga aqriska & qoraalka, waxa ku biiri karta oo kale nadiga jimicsiga ama fasalka cunto karinta.
Xilligeena casriga ah, waxaan haysanaa habab xiriir oo aan la tirin karin iyo koox bulsho oo weligeed sii kordheysa. Waa maxay sababta haddaba, dad badani u sheegaan inay dareemayaan go’doon, cidlo, iyo niyad-jab? Waxaa laga yaabaa in furuhu uusan ahayn in aan si ka badan ama si ka duwan ula xiriirno dadka kale laakiin sida aan isku dayno inaan la xiriirno oo aan dib ula xiriirno nafteena. Hoos waxaa ah laba siyaabood oo aad ku dhegeysan karto kalinimadaada iyo sharraxaadda sababta ay u tahay dadaal qiimo leh:
Naftaada si daacad ah ula hadal. Kelinnimadu waa calaamad muujinaysa in aynu dayacnay baahideenna. Bal isweydii goorma ayay ahayd markii ugu dambaysay ee aad naftaada hubiso waxa saxda ah ay rabto? Waa maxay hadafka dhabta ah ee aad nolosha ka leedahay? Waxaan ku bixinaa waqti aad u badan si aan diirada u saarno si ay u sahlanaato in aan iska indho-tirno baahiyahayaga. Naftaada oo aad dayacdo waxay sii xoojinaysaa dareenkaaga walwalka iyo walbahaarka oo kugu bata.

                 Dib u milicso naftaada (Isbaro qofka aad tahay & shaqsiyadada)

Si aad dib ula xiriirto naftaada, ku billow inaad qorto warbixin ku saabsan niyad-jabkaaga ugu weyn? Qor rabitaanka qoto dheer, iyo rajada ugu weyn ee saddexda bilood ee soo socda. Waxaa laga yaabaa inaad la yaabto waxa aad naftaada ku ogaanayso inta aad hawsha ku jirto.
Baar sida qaab nololeedkaaga uu u xoojinayo kalinimada. Caafimaadkaaga shakhsi ahaaneed iyo caafimaadka cilaaqaadkaaga waxaa si buuxda u go’aamiya doorashooyinka aad sameyso, daqiiqadba daqiiqad iyo maalinba maalin. Dhaqankeena casrigan waxa uu ka qayb qaata kalinimada & go’doominta. Laakin ma nihin kuwo aan tabar lahayn oo aan difaac u lahayn ciidamada nagu xeeran. Waxaan dooran karnaa inaan u isticmaalno tignoolajiyada si caqli-gal ah. Waxaan dooran karnaa inaan nidaamino jadwalkayaga si aan oga fa’idaysano waqtigeena qimaha badan.
Waqti gooni u yeelo si aad u qiimeyso hawl maalmeedkaaga iyo xulashooyinkaaga oo arag sida aad uga qayb qaadan karto dareenkaaga & horumarinta naftaada. Kelinnimada waxa la bogsadaa markaan kobcinno xidhiidhka adag oo caafimaad qabka nafteena. Taasina waa xiriir la dammaanad qaaday inuu sii jiri doono.

Marka aynu si fiican u fahanno nafteena oo aynu aqoonsano ilaha dareenkeena kala go’a, waxaanu ku jirnaa meel aad u fiican oo aanu ku horumarinayno xidhiidhka dadka kale inagala dhaxeya annagoo adeeg sanayno dabeecado & ficilo nasii kobcinaya. Qaybta soo socota, waxaan ku baari doonaa siyaabo badan oo loo sameeyo xiriir qoto dheer oo qimo badan.

References

By Dr. Abdirahman Gure

[1] “Loneliness in America,” Harvard Graduate School of Education.
[2] Sherry Amatenstein, “Not So Social Media: How Social Media Increases Loneliness (March 3, 2022).


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading