Guddoonka Labada Gole Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulan Wadatashi Ah La Qaatay Guddoonnada Golayaasha Xeerdejinta Dowlad Goboleedyada DalkaGuddoonka Labada Gole Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulan Wadatashi Ah La Qaatay Guddoonnada Golayaasha Xeerdejinta Dowlad Goboleedyada Dalka

Guddoonka Labada Gole Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulan Wadatashi Ah La Qaatay Guddoonnada Golayaasha Xeerdejinta Dowlad Goboleedyada Dalka

 

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Miudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} oo ay wehliyaan ku xigeennada labada gole ee BJFS ayaa kulan la qaatay guddoonnada Baarlamaanka Dowlad goboleedyada dalka oo Muqdisho u yimid ka qeyb-galka furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo uga mahad celiyay guddoonnada Baarlamaannada Dowlad goboleedyada dalka ka qeyb-galka Furitaanka kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 11-aad, wuxuuna Guddoomiyuhu tilmaamay in ay muhiim tahay joogtaynta wadashaqaynta golayaasha Baarlamaannada heer dowlad Goboleed iyo heer Federaal, si loo gaaro dejinta sharciyo la isla waafaqay oo xoojinaysa dowladnimada Soomaaliya.

 

Dhankooda, Guddoomiaasha Baaralamaannada Dowlad Goboleedyada dalka ayaa Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay soo dhawaynta iyo hab-maamuuskii wanaagsanaa ee loo sameeyay, iyagoo soo jeediyay in la badiyo kulamada is-xogwaraysiga ah si loo xoojiyo wadashaqaynta.

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading