Dowladda Mareykanka oo taageertay xasaanadda Maxamed bin Salmaan

 

Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii ku talisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu ka reeban yahay in lagu furo dacwado sharci oo la xiriira dilkii 2018 ee weriye Jamaal Khaashuqji, sida ku cad warqado maxkamadeed.

Maxamed bin Salmaan ayaa bishii September loo magacaabay ra’iisul wasaare, taasi oo dhalisay tuhuno ku saabsan inuu isku dayayo inuu ka baxsado dacwado looga furo maxkamado dibadeed – oo uu ku jiro kiis madani ah oo ay dalka Mareykanka ka furtay Hatice Cengiz, gacalisadii Jamaal Khaashuqji.

Dilka Khaashuqji oo afar sano kahor ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa Maxamed bin Salmaan si ku-meel gaar ah uga dhigay mid laga go’doomiyey dalalka Reer Galbeedka.

Qareenadiisa ayaa horey ugu dooday “inuu halka ugu sarreysa ka joogo dowladda Sacuudiga,” sidaas darteedna uu haysto xasaanadda ay Maxkamadaha Mareykanka siiyaan madaxda dalalka ama saraakiisha haya xilalka sare.

Dowladda Mareykanka ayaa haystay illaa Khamiistii shalay si ay u caddeyso fikirkeeda ku aadan arrintan. Talo soo-jeedinteeda ma ahan mid ay Maxkamadda ku qasban tahay.

“Dowladda Maraykanka waxa ay si xushmad leh ugu wargelinaysaa Maxkamadda in eedaysane Maxamed Bin Salmaan, ra’iisal wasaaraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, uu yahay madaxa dawladda ee xilka haya, sidaas darteedna uu xasaanad ka haysto in dacwad lagu furo,” ayaa lagu yiri qoraalka uu maamulka Biden u gudbiyey Maxkamadda Federaalka ee degamada Washington DC.

Hase yeeshee qoraalka ayaa intaas ku daray “Waaxda Arrimaha Dibedda wax aragti ah kama bixineyso sax ahaanshaha dacwadda, waxayna ku celineysaa cambaareynteeda aan gambashada lahayn ee dilkii foosha xumaa ee Jamaal Khaashuqji.”


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading