Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee dalka Serbia wax ka barta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa kulan la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Serbia si ay Wasiirka xog uga siiyaan heerarkooda waxbarasho iyo hadii ay jiraan wax caqabado ah.

Ardaydan oo dhammaantood ah kuwa ka faa’iidaystay deeqo waxbarasho oo dowladda Serbia ugu deeqday dalkeenna ayaa isugu jira heerka koobaad ee Jaamacadda ( Bachelor ) iyo heerka labaad ( Master) waxayna dhigtaan kuliyado dhammaantood muhiimad gooni ah dalkeenna u leh sida kulliyada Dhakhtarnimada, kulliyadda Engineering, midda beeraha, tan kaluumaysiga iyo shuruucda badaha iyo kuwo kale oo muhiim ah.

 

Wasiirka ayaa ardayda ugu hambalyeeyay inay meel wanaagsan marinayaan waxbarashadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed usoo dirsadeen ardaydan wuxuuna u sheegay in baahi weyn loo qabo culuumta iyo takhasusaadka kala gedisan ee ay wadaan.

 

Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa uga mahadceliyay dowladda aan saaxiibada nahay ee Serbia deeqaha waxbarasho gaar ahaan kulliyadaha baahida weyn loo qabo ee ay dalkeenna ugu deeqday.

 

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa ardayda u sheegay in kulamadii uu la yeeshay Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirro kale oo tiro badan sida wasiirka arrimaha gudaha, midka dhaqaalaha, kan ganacsiga iyo qaar kale oo badan ay dhammaantood ku soo dhamaadeen is-afgarad iyo taageero dhinac walba ah isagoo ardayda ugu baaqay inay soo dhoweeyeen muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarashada iyo tababarka u imaan doono Serbia oo aad u kordhi doona sanadaha soo socda.

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading