Labada dal ee Xasan Sheekh uu saaxiibka ka dhiganayey ee ka hiiliyey Soomaaliya

Golaha Ammaanka QM ayaa shalay sanad dheeri ah ku daray cunaqabtaynta hubka ee saaran Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay dadaal u gashay in la qaado, si ay taas uga caawiso dagaalka lagu jiray Al-Shabaab.

Golaha ayaa isku raacay qaraarka 2662 (2022), waxaana taageeray 11 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, mana jirin dal diiday. Waxaana ka maqnaa afar dal oo kala ah; China, Gabon, Ghana iyo Ruushka.

Dalalka taageeray qaraarka, ee ka horyimid rabitaanka dowladda federaalka, waxaa ka mid ah dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo ka mid ah xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka.

Labadan dal ayey aad isugu xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo, waxaana markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal dheeri ah u galay inuu xiriirkooda hagaajiyo, saaxiibna ka dhigto.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading