NISA oo howlgal ka samaysay Magaalada Baydhabo

 

Howlgalkan waxaa si gaar ah looga sameeyay xaafadaha Isha, Bardaale, Horseed,Holwadaag iyo laamahooda kala duwan ee xaafadahaas.

Saraakiisha baaritaanadan hoggaamineysay ayaa sheegay iney kusoo qabteen tobaneeyo dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu xiray Madaxtooyadii hore ee Baydhabo oo hadda ah Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, xogaha la helayo ayaa sheegaya in Koofur Galbeed ay heshay xogo sheegaya in xubno Shabaab ah iyo qoysaskooda ay si dhuumaaleysi ah kusoo galeen magaalada Baydhabo, taasoo keentay in howlgalo culus oo aan kala joogsi leheyn laga fuliyo halkaasi.

Xubnahan ayaa la rumeysan yahay iney isaga soo carareen deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug oo Shabaab dagaal culus uga furan yahay, iyagoo ka soo baxsaday duqeymaha culus ee halkaasi ka jiro.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading