Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Kaaliyaha Dawladda Sweden u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah.

Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Kaaliyaha Dawladda Sweden u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah.
MUQDISHO, 20 November 2022 :- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulan la qaatay Kaaliyaha Dawladda Sweden u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah Marwo Diana Janse.
Dhinacyada ayaa ka wada-hadlay taageerada muhiimka ah ee Sweden ay siiso wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya iyo sidii Stockholm u xoojin lahayd gurmadka abaaraha baahsan ee xilligaan ay la dhibaatoonayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ergeyga ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Sweden ay Soomaaliya kala shaqeyso sidii loo maalgelin lahaa mashaariic lagu dhisayo u adkaysiga aafooyinka, sida; in Soomaaliyya lagu gacansiiyo maalgashi dhanka beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboollaan baahiyaha.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale kala hadlay marwo Diana Janse in Sweden ay Dowladda Soomaaliya gacan ka siiso sidii aan u heli lahayn dhaqaalaha loogu tala galay in lagu taageero Dawladaha ay samaaynta ba’an ku yeelatay is-beddelka cimilada.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading