GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BJFS OO QAABILAY DANJIRAHA CUSUB EE DALKA IMAARAADKA CARABTA

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BJFS OO QAABILAY DANJIRAHA CUSUB EE DALKA IMAARAADKA CARABTA
Muqdisho, November 21,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah la qaatay danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith.
Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo Guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya isla markaana lasii adkeeyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta ku boggaadiyay dadaalada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka fulisay, isagoona danjira ku booriyay adkeynta xirirka soo jireenka ah ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading