Xasan Shiikh Maku Fashilmay La Dagaalanka Al-Shabaab

Mid kamida qaraxyadii ugu cuslaa ee Xamar ka dhacay oo aan u badinayo inuu ahaa qaraxii Soobe1 ayaa waxaa laga diiwaangeliyay dhacdo foolxun. Markii dhaawacyadii iyo meydadkii la geeyay isbitaalladii ayaa dadkii ehelka iyo qaraabada ahaa ku wada xoomeen. Waxaa la arkay afar haween ah oo ku dul barooranaya afar meyd oo aad u guban oo aan wajiyadooda la sixi karin. Waxay sheegeen inay dhaleen oo aysan hayn lacagtii ay ku qaadi lahaayeen kuna duugi lahaayeen. Markiiba dadkii meesha tubnaa ayaa billaabay inay si mutadawacnimo ah u caawiyaan. Kolka ay heleen wax ku dhow kun doollar ayaa afartii dumar la waayay iyada oo u weli afartii meyd halkii yaallaan.

Dib ayaa laga ogaaday inay dumarkani ahaayeen kuwa dareenka dadka ka ganacsanayay oo aysan jirin wax ka dhintay. Bal suurayso, qalbigii lagu tuhmayay inuu ugu jilicsan yahay uguna naxariis badan yahay noolaha oo dhan oo ah; qalbiga dumarka, haddii ayba sidaa ka suuraggasho sidee ayuu noqonayaa ka ragga ee lagu tuhmo inuu ka adag yahay midka dumarka.

Haddaba waxaan dhacdadan u soo qaatay, kolka ay dhacaan musiibo sida ta caawa oo kale, waxaa soo baxa dad damiir la’ oo garaad la’ oo caqli la’ oo dareen la’ oo qalbi la’ oo dareenka dadka ka ganacsada oo iskudaya inuu ka macaasho inta ay dadku qiiraysan yihiin oo ay murugaysan yihiin oo aysan dadku waxba kala saari karin. Waxaa kow ka ah, isbitaallada dhaha dhiiga hala shubo; waxba kuma aha inay dib u gataan dhiiggaas sida mutadawacnimada leh ay boqolaalka dhalinyaro ay u shubeen, waxaa labo ka ah weriyaasha xogta soo gudbinayo oo waxa ay doonaan soo qorayo, waxaa saddex ka ah kuwa musiibada siyaasadaynaya iyo kuwa kale.

Sideedaba, goorta la murugaysan yahay ee ay musiibo jirto waxaaba jira dad ayba u tahay goortaas wakhti dahabi ah iyo fursad naadir ah oo ay tahay inay ka faa’iidaystaan. Haddaba ha la taxaddaro oo xogta ha la iska hubiyo oo miyir ha lagu daro murugada, illeen duni damiirbeeshay ayaynu joognaa oo la isku gaadayo inta la murugaysan yahay ee garaadkii wax kala saari lahaa suuxsan yahay.

Markale, Eebbe ha ku arsaaqo jannooyinkiisa sarsare shuhadadii caawa inaga shahiiday, kuwa dhaawacmayna alle ha u boogo-dhayo.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading