Weerar loo adeegsaday qarax iyo rasaas oo ka dhacay Muqdisho

Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerareen hoteel ganacsi oo ku yaal bartamah Muqdisho.

War qoraal ah oo loo diray saxaafadda ayaa booliisku waxay sheegeen inay koox “Khawaarij” ah weerareen hoteel ku yaalla degmada Boondheere ee Muqdishu.

Booliiska ayaa intaas ku daray in ciidamada ay wadaan hawlgal lagu soo afjarayo weerarka.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax, kadibna maleeshiyaad ay weerareen hotelka.

Qaraxa hore ayaa la sheegay inuu dhacay 8:5pm waqtiga Muqdishu.

Al-Shababa ayaa sheegay inay qaadeen weerar ismiidaamin ah caawa magaalada Muqdishu.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha weerarkan. Villa Rossa ayaa la sheegay iay tahay goob ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta iyo siyaasiyinta dawladda.

Weerarkan ayaa imanaya iyadoo dawladda Soomaaliya ay toddobaadkii hore sheegtay inay muddo saddex bilood ah hawlgallo socday ay ciidamada dawladda iyo dadka degaanku ku dilene in ka badan 600 oo mintiidiin ah, kuna dhaawaceen 1200 kale, halka ay qabsadeen 68 degaan.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading