Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay in la kordhinayo qoondada Hay’adda Naafada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay in la kordhinayo qoondada Hay’adda Naafada Soomaaliyeed

Muqdisho, December 03 2022— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa sheegay in dowladda ay kordhinayso miisaaniyadda Hay’adda Naafada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay dareen gaar ah siineyso sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaba baahiyaha gaarka ah, loona ilaalin lahaa xaquuqda asaasiga ah ee dhinacyada shaqo siinta iyo kor u qaadidda xirfadahooda.

“Dalkeenna waxa uu kaga duwan yahay dalalka kale ee caalamka tirada dadka ku naafooba qaraxyada iyo weerarrada arxan darrada ah ee Khawaarijta, taas oo aad u kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafada ah, sidaas awgeed waa in ay isbarbar socdaan halganka dalka lagaga xoreynayo cadowgaas iyo wax u qabashada dadkeenna ay naafeeyeen.”

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dowladaha saxiixday Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka Naafada ah, taasoo muujinaysa mudnaanta sare ee la siinayo, si loo ilaaliyo xaqa ay ku leeyihiin dadka iyo dalka.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading