Abdullahi: Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayey Maxkamaddu dil ku xukuntay

Mid kamid ah kiiska sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada, kadib markii lix kamid ah lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab ayaa yeeshay weji cusub, kadib war cusub oo ka soo baxay ehellada ninka lagu eedeeyey inuu dilay Cabdinaasir Cismaan Nuunow oo kamid ah raggga la xukumay oo lagu ridday dil toogasho ah, sida ay ku dhawaaqday Maxkamaddu.

Cabdinaasir oo kasoo muuqday liiska dadka la xukumay ayaa Maxkamadda waxa ay shaacisay in uu dilay Marxuum Maxamed Xaashi Faarax oo ay sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani, gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha September 7-deedii sanadan 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda , isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

‘Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi qaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.

idoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lasii daayay dambilihii dilka geystay, isla-markaana kiiska dhabarka loo saariyay wiilka dhalinyarada ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii daayay danbiilihii Kiiskiini wiilkana loo saaray lana rabo in la dilo meeqo qof oo aan maalin waliba aragno Shuute oo leh waxbeey dileen ayaa sidan oo kale danbi aysan galin loo dilaa?. Dhibka ugu badan waxaa u haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale ka dhashay,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay.

 

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading