AGAASIMAHA GUUD EE GOLAHA DHAQAALAHA QARANKA OO SI RAAMI XILKA ULA WAREEGAY

Muqdisho, Nofeembar 27, 2022: Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabbilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Aadam Hoosow ayaa Madaxtooyada Qaranka xilka ugala wareegay Agaasimihii hore Dr. Dr. Cali Ciise Cabdi.

Xafladda Xilwareejinta, waxa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh isaga oo bogaadiyay shaqadii wax-ku-oolka ahayd ee ay qabteen xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ay hoggaaminayeen Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Dr. Aweys Sheekh, isaga oo sidoo kalena u hambalyeeyay xubnaha cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.

Mudane Cabdisalaan Cartan oo ka tirsan hawlwadeennada Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soojeedin kooban oo ku aaddan qaab-dhismeedka, shaqada iyo waxqabadka Golaha ka sameeyay munaasabadda Xilwareejinta.

Dhankooda, Prof. Xuseen Warsame iyo Prof. Xuseen Siyaad oo ka mid ahaa xubnihii hore ee La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo dhaweeyay isbeddelka cusub iyaga oo si qotodheer u faahfaahiyay shaqadii ay Qaranka u hayeen sannadihii la soo dhaafay, cilmibaaristii ay sameeyeen iyo la-talintii ay dawladda ka siin jireen arrimaha mudnaanta u leh dardargelinta soo kabashada iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Xubnaha hore ayaa sidoo kale u hambalyeeyay xubnaha cusub ee La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka iyaga oo u rajeeyay in ay si wanaagsan u gutaan xilkooda, una ballan-qaaday in ay la garab istaagi doonaan wixii talo iyo taageero ah ee ay uga baahdaan.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxa iyana khudbado kooban jeediyay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka Mudane Maxamed Haaruun, iyaga oo dhammaantood bogaadiyay hawshii mugga lahayd ee ay xubnihii hore qabteen, sidoo kalena dardaaran siiyay xubnaha iyo agaasinka cusub.

Dr. Aweys Sheekh oo ah Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ku hadlayay magaca guddoonkii hore ayaa guudmar ku sameeyay waxqabadkii Golaha ee isugu jiray cilmibaarista kala duwan, la-talinta dawladda, qabanqaabada madallo sannadle ah oo lagaga doodayo arrimaha mudnaanta u leh dhaqaalaha qaranka iyo barnaamijyadii fulay intii ay xilka hayeen. Guddoomiye Aweys ayaa hambalyeeyay xubnaha cusub ee la magacaabay iyo agaasinkooda isaga oo ballan-qaaday inay ku taageeri doonaan wixii talo ah ee ay uga maarmi waayaan.

Dhankiisa, Dr. Xasan Aadam Hoosow, Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabbilsan Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa u mahadceliyay xubnihii hore ee Golaha isaga oo sidoo kalena faahfaahiyay barnaamijyada u qorshaysan inay fuliyaan iyaga oo ka duulaya aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali Isku Filnaatay” taasi oo ku salaysan sidii dalka dhaqaalihiisa loo kobcin lahaa, loona dardargelin lahaa hirgelinta qorshayaal iyo siyaasado dhaqaale oo la jaanqaadaya isbeddellada casriga ah ee dhanka teknaloojiyadda.

Ugu dambayntii, waxa munaasabadda Xilwareejinta Golaha Dhaqaalaha Qaranka si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Nuur isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda Goluhu u leeyahay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Qaranka, wuxuuna ballan-qaaday in Wasaaraddiisu ay si dhaw ula shaqayn doonto Golaha iyaga oo tixgelin doona talooyinka waxtarka leh ee ay la wadaagaan. Wasiirka ayaa u mahadceliyay xubnihii iyo guddoonkii hore ee Golaha isaga oo ku ammaanay shaqadii muhiimka ahayd ee ay dalka u qabteen, wuxuuna xubnaha cusub iyo agaasinkooda u rajeeyay in Eebbe la garab-galo hawsha culus ee loo igmaday.

Wasiir Cilmi Nuur ayaa gebagebadii munaasabadda si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay guddoonkii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu metelayay Dr. Aweys Sheekh iyo Agaasimaha cusub ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.

Munaasabadda Xilwareejinta Golaha Dhaqaalaha Qaranka waxa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal, la-taliyayaal iyo marti sharaf kale oo metelayay qaybaha kala duwan ee bulshada.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading