Beesha Mareexaan oo Xoog Kula Wareegtay Gaadiid uu Ka Buuxo Hub wayn oo Lagasoo Iibiyay Itoobiya

Caabudwaaq(Nomadicvoice) Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo deegaanka Shilamadow oo kudhaw magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galguduud, iska horimaad ayaa dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidamo nabad sugidda ee NISA, oo doonayay in ay galbiyaan 2 baabuur oo kuwa xamuulka ah kana yimi dhinaca Itoobiya oo ay dadka deegaanku sheegeen in ay hub sidaan, saacadaha badan xanibnaa.

Ilo wareedyo deegaanka ayaa xaqiijiyey in dhimasho iyo dhaawacba ka dhashay iska hor-imaadkan, dadka deegaankana ay kuguuleysteen in baabuur kamid ah kuwa xamuulka ay hubkii saarnaa la dagaan, halka kii kalena ay ciidamada Nabadsugida difaaceen.

Warar kale ayaa sheegaya in hubkan laga soo gatay dhinaca Itoobiya, loona waday dhinaca Gobollada dhexe, xili ay soo baxayaan warar sheegaya in loo gaday ciidamada NISA ee kusugan Hiiraan iyo Galguduud.

Warar isburinaya oo hordhac ah ayaa ilaa hadda kasoo baxaya lahaanshiyaha hubkaan oo aad fara badnaa, saarnaa ilaa 2 baabuur xamaul ah, lana wareegeen dadka deegaanka Caabudwaaq, isagoo yimi dhinaca Itoobiya, xog ayaa sheegaysa in hubkan uu ahaa mid ay soo gadatay dawladda Federaalka, loona waday ciidamo kusugan Galmudug iyo Hiiraan, iyadoo ay gacmo kale u dhaxeeyeen.

Ciidamada Nabadsugida Galmudug oo isku dayay in ay hubkan dhaafiyaan dadka deegaanka ayaysan u suuragalin, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey dhimashada 2 ruux iyo dhaawac kale, Hubkan oo iskugu jira noocyo kale duwan ayaa ugu dambeyn galay gacanta dadka deegaanka.

Hubkan, ilaa hadda gacanta dadweynaha galay ayaa ka kooban boobayaasha culus, kuwa fudud iyo saanad aan sahal aheyn, oo loogu talogalay ciidan xoogan.

Xogta Ilaa Hada La Xaqiijiayay

Hubkan waxaa laga soo gaday Itoobiya, waxaana soo gaday Liiban Shuluq oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir gaar ahaan jufida Sacad.

Liibaan Shuluq Hubka waxa uu kusoo iibshay Magaca Dawladda Federaalka oo waxa uu haystaa Qandaraas Hubeed.

Hubkan waxaa galbinayay Ciidanka Liyuu Booliska, waxayna Xalay ku hooydeen Degaan ka tirsan Gobolka Qoraxey.

Saakay ayay uga hareen Ciidanka Liyuu Booliska Deegaanka Axmed Gurey oo u dhexeeya Caabudwaaq iyo Balanbale.

Xogta Hubka oo baxday ayaa Sababtay in Ciidamo kasoo kala baxay Balanbale iyo Caabudwaaq ay weerar ku qaadaan Gaadiidkii Hubka waday, Kadib waxaa usoo gurmaday Gawaarida Hubka siday Ciidamo Nisa-da Galmudug ah, waxaana halkaa ka qarxay dagaal kharaar, kaasoo sababay in Ciidankii NISA laga awood roonaado oo ay 11-Mayd ah uga carareen goobta lagana reebto Gawaaridii iyo Hubkii.

Dhanka Dadka Deegaanka Balanballe iyo Caabudwaaq, waxaa dagaalka uga Geeriyooday 8-Qof oo ka kasoo Mareexaan;

2 Reer Siyaad ah.
2 Reer Warsame ah.
2 Wagardhac
2 Reer Kooshin ah.

Sida xoguhu sheegayaan Hubka waxaa la tilmaamayaa Saddex jiho midkood in uu usocday oo kala ah;

1. Musharaxiin u taagan Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

2. Ganacsato Gaalkacyo joogta.

3. Colaada Beelaha Leelkase iyo Habar Gidir.


Xigasho:// Jibril Qoobey iyo Faarax Geylan


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading