Booliska Turkiga oo shaaciyay xog cusub oo ku saabsan gabadhii qarxisay Istanbul

Booliska Turkiga

XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES

Saraakiisha booliiska dalka Turkiga, ayaa shaaciyay xog ku saabsan qarixii Axaddii la soo dhaafay ka  dhacay Turkiga. Waxay sheegeen in la qabtay dad lagu tuhmayo in falkaas ay ka dambeyeen.

Sida laga soo xigtay maamulka Turkiga, waxaa dadkaan la soo qabtay kadib markii la baaray 1200 kaamiradaha wax duuba ah kuwaas oo laga helay xogta sida uu u dhacay weerarku. Waxaana loo xiray dhacadaan 46 qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayen.

Su’aalo la weeydiiyay shaqsiyaadkan kadib ayaa waxaa lagu dhawaaqay haweenayda looga shakisan yahay weerarka oo ah Axlam Albashir una dhalatay dalka Suuriya, taasoo lagu qabtay magaalada Küçükçekmece.

Sawirrada howlgalkan dadka lagu qabqabtay ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay saraakiisha Booliska.

Warka laga soo saaray qarixii dhacay ayaa lagu sheegay in haweenaydan ay ku fadhiistay mid ka mid ah kuraas taallay, halka qaraxu ka dhacay mudd 40 daqiiqo ah. Boorso ayay kaga tagtay halkii ay fariisatay daqiiqado yar kadibna

waxaa dhacay qaraxa, iyadoo in cabbaar ah ka sii maqan goobta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa marka ay goobta ka tagtay in ay  aadday Esenler, iyadoo gaari u raacday Küçükçekmece.

Agaasinka Amniga Istanbul, ayaa sheegay in haweenaydan lagu tuhmayo in ay ka dambeysay weerarkii Axaddii dhacay ay Waddada Istiklal ee Taksim Square, gashay iyadoo dhabarka ku wadata boorso, ayna ku fariisatay kursi yaalla halka wax ka dhaceen.

Gurigan wuxuu u dhowyahay halka ay ku nooleed Axlam Albashiir

XIGASHADA SAWIRKA, GETTY IMAGES

Kaamiradda ayaa laga arkay muuqaalkeeda. Intii ay su’aalaha weydiinayeen saraakiisha booliisku waxay sheegeen in Albashir ay sheegtay in si gaar ah  ay tababarro u siiyeen ururada PKK/PYD/YPG, iyadoo si sharci darro ahna ku soo gashay dalka Turkiga oo ay ka soo gashay gobolka Afrin.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga, ayaa sidoo kale lagu sheegay in haweenaydan ka hor inta aan la soo qaban ay isku diyaarineysay in ay u baxsato dalka Giriigga.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa la kulmay nin dukaan ku leh halka haweenaydan ay ku nooleed isla markaana ay ka shaqeyn jirtay, kaas oo lagu magacaabo Kazım Karabeki.

 Isaga oo la hadlayay waraabhinta  Demirören, wuxuu yiri; “deegaanka ayay ku nooleed muddo hal sano ah. Waxayna ka shaqeyn jirtay feeraynta dharka(kaawadeynta), “.

Dukaanle kale ayaa sheegay in markii ugu dambeysay ee uu arko hawenaydan ay la socotay ilmo yar.

Waddada Istiklal, oo ah waddo muhiim u ah isu-socodka dadka oo weerarkii dib la xiray ayaa hadda dib loogu furay dadweynaha.Dowlada hoose ayaa goobta ku midabeysay calanka Turkiga, iyadoo sidoo kale dhigtay ubaxyo.

Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadayo bacaha iyo boorsooyinka lala galo fagaaraha ay wax ka dhaceen.

Goobtan ayaa ah goob ay inta badan tagaan dadka dalxiisayaasha ah, waxaana hadda wixii ka dambeeya la baari doonaa sida boolisku sheegeen dadka halkaa la galaya alaabaha shakiga dhalin kara.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading