DF oo shaacisay in 100 ka tirsanaa Shabaab ay ku dishay Ceeldheere

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyey howlgal qorsheysan oo ay xalay fuliyeen ciidamasa huwanta.

Al-Cadaala ayaa shaaciyey in xalay howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu beegsaday Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen ciidanka Somalia iyo saaxibada caalamiga ah.

Wasiirka ayaa xusay in uu howlgalka u dhacay sidii loo qorsheeyey isla-markaana lala bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen 200 oo Shabaab ah, kuwaas oo ay ku jiraan 12 horjooge oo isku uruursanayey halkaasi, ayna kala wareegeen deegaanka Ceeldheere.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in halkaas lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ay ku jiraan 10 horjooge, sida uu hadalka u dhigay.

 

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading