DF oo sheegtay in waqtiga cafiska uu ka sii dhamaanayo Al-Shabaab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa kormeer ku tegay xerada ciidanka kumaandooska Danab ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo fariin culus uu uga diray dhalinayarada weli ka barbar dagaalameysa kooxda Al-Shabaab.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in laba wado oo kaliya ay u furan tahay dhalinyarada weli ka tirsan kooxda Al-Shabaab, 1-in ciidanka qaranka ay isku dhiibaan, 2-iyo in lagu dilo meel kasta oo lagu arko.

Sidoo kale wuxuu sheegay in fursada ay dowladdu siisay dhalinyaradaas ee ah inay isisoo dhiibaan aysan sii jiri doonin oo la gaari doono waqti aysan muhiimad laheyn is dhiibiddu.

“Guushu waa dhowdahay, waxaan rabnaa in aysan nagu sii dheeraan, kooxdu waxay habeen iyo maalin daadineysaa dhiigga dadkeenna, waxaan dooneynaa inaan deg deg dadkeena uga dul qaadno cadowga,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Taliyaha ayaa aad ugu mahad celiyey shacabka hubka qaatay iyo kuwa taageeraya ciidanka difaacaya dalka, isagoo sheegay in hadda la wada fahmay xaqiiqada.

“Waxaa noo muuqata in la wada fahmay oo shacabkeenu gartay in sida kaliya ee argagixisada looga guuleysa karo inay tahay garab istaaga ciidanka qaranka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading