Dowladda Kenya oo deeq daawaha soo gaarsiisay Mogdisho looguna talagalay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe 2

Dowladda kenya oo Wazaaradada Caafimaadka Dowladda Federalka Soomaaliya ku wareejisay deeq daawo ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddomiyaha Golaha Wasiirada ee Gurmad Qaran Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra”iisal Wasaarah iyo Madax kale oo kartirsan DFS ayaa deeq qeyb ah Gurmadka Qaraxyadii Zoobe kala wareegey Dowladda Kenya. Sidoo kale madasha waxaa Goobjoog ahaa Guddomiyaha Gurmadka Caafimaadka ee Wasaaradda.

Dowladda Kenya ayaa ka mid noqotey Dowladaha ka qeyb qaatey Gurmadka masiibadii ka dhalatey Qaraxyadii Argagixisada ay ka geys Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 29-kii October iyagoona keeney diyaarad sidey Cuntooyin nafaqo ah oo isugu jiro noocya kala diwan.

Waxaa garoonka diyaaradadaha ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho ka socda soo dhaweyn iyo la wareegidda gurmadyada ka imaanaya dalalka dariska la ah Soomaaliya oo kasoo jawaabey baaqii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in looga soo gurmado musiibadii ka dhalatey Qaraxyadii Nabaddiida ka fuliyeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee ku taalada Isgoyska Zoobe.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda Kenya oo ka qeyb qaadatey gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtey Soomaaliya kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading