Gaalkacyo: Puntland oo Xukun Dil ah ku Fulisay 10 Xukumane oo Lagu helay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab

Gaalkacyo — Dawladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ahayd xukun dil toogasho ah ku fuliyey 10 Xukumane oo lagu heley in ay Al-Shabaab ka tirsanaayeen.

Puntland ayaa saaka dil toogasho ah, ku fulisay 10 xubnood oo ay Maxkamaduhu kuheleen in ay geysteen dilal qorsheysan oo loo geystay haldoorka bulshada Puntland, kana dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, xubnahan la toogtay ayaa ka tirsanaa kooxaha Argagixiso, ka dib markii uu saxiixay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Puntland ayaa baadigoobaysa Saddex xubnood oo katirsanaa kooxda Al-Shabaab maanta la toogtay oo dhawaan xabsiga Gaalkacyo ka baxsaday, iyadoo Abaalmarin loo balan qaaday cidii xogtooda keenya.

Dhawaan ayey ahayd markii qaar maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsiga Gaalkacayo.

Tobban kale oo argagixisadda ka mid ahaa ayaa Saakay isku mar lagu toogtay Gaalkacyo.

Ma ahan wax fudud in 18-ka mid ahayd Al-Shabaab lagy daray 5-ka mid argagixisada halmar la toogto isla markaana 10-kale lagu daro.

33 ayay noqonayaan argagixisada isku mar la toogtay ee Gobolka Mudug.

Go’aankan,waxa uu niyad jabinayaa argagixisada iyo kuwa ay ku adeegato, wuxuuna kalsooni gelinayaa Bulshada, isla markaana waxa uu Cadaalad uyahay Dadkii haldoorka ahaa ee ay gardarada ku laayeen.

Dowladda Puntland waa ku Mahad santahay in ay si deg-deg uga Jawaabtay Baaqii Bulshada Gobolka Mudug.

12-kii Qodob ee Bulshada Gobolka Mudug ay hordhigeen madaxweyne Deni ayay ka mid ahaayeen.


JQ


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading