Ganacsatada ku ganacsata isgoyska dabka iyo inta u dhaxaysa sayidka oo ganacsigoodii xiray taas oo ay u xireen mudaharaad

Ganacsiyada Ku Yaala Inta U Dhaxeysa Dabka iyo Sayidka Ee Magalada Mogadishu Iyo Banaanbaxyo La Qorsheeyay
Qaar kamid ah dadka ku Ganacsada inta u dhaxeysa isgoosyada Dabka iyo Sayidka ee laamiga makka Al Mukarama ayaa saaka xiray Ganacsigooda, iyaga oo qorsheysanaya inay dhigaan banaanbax ay ku cadeeyanayaan sababta ku kaliftay & cabashada ay qabaan.
Ganacsatada ayaa cabasho ka ah xirnaanshaha wadada u dhaxeysa Isgoysyada dabka iyo Sayidka, halkaas oo loo diiday inay maraan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo mootooyinka Bajaajta.
Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa si horudhac ah u sheegay in markii la xiray wadada ay waayeen dad wax ka iibsada, iyaga oo sheegay in marnaba suurtogal aheyn in ganacsigooda la curyaamiyo.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Goobahooda Ganacsi ay uga kireysan yihiin lacao farabadan, balse ay la’yihiin macaamiil wax ka iibsata maadaama waddada la xiray, waxana madaxda dowladda ay ugu baaqeen in wadada la furo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ahaa mucaaradka ku eedeyn jiray dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cadullaahi Farmaajo inay dadka waddooyinka ka xiratay, bakes isaga oo hadda Madaxweyne ah uu waddooyinka ka xiray dadka.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading