Hay’adda NISA oo Ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay iney u hoggaansamaan amarada Al-shabaab

Talaado, February, 14, 2023 (HOL) – Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda gacasatada Soomaaliyeed oo la xariira iney u hoggaansamaan amarada kasoo baxa kooxda Al-shabaab.

NISA ayaa uga digtay ganacaatada Soomaaliyeed talaabooyin kooxda Al-shabaab ay ku dooneyso iney ku boobto hantidooda, islamarkaana dib loogu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

War qoraal ah kasoo baxay Xafiiska Hay’adda NISA ayaa lagu faray in ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan meelaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab oo bartilmaameed u ah hay’addaha amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Hay’adda NISA:-

HAYADDA SIRDOONKA IYO NABAD SUGIDDA QARANKA (NISA) WAXA AY SI DHOW ULA SOCOTAA ISKU DAYO KHAWAARIJTU UGU YEERAYAAN DAD
GANACSATO AH DEEGAANNO HOOS YIMAADA GOBALKA SHABEELADA HOOSE. HADDABA HAYADDU WAXA AY UGA DIGAYSAA GANACSATADA IN AY U HOGGAANSAMAAN AMARRADA KHAWAARIJTU KU DOONAYAAN IN AY KU BOOBAAN HANTIDOODA, KADIBNA LOO ISTICMAALO HANTIDAAS GUMAADKA
DADKA SHACABKA AH. SIDOO KALE HAYADDU WAXA AY UGU BAAQEYSAA
SHACABKA SOOMAALIYEED IN AY KA FOGAADAAN
XARUMAHA KHAWAARITA MAADAAMA AY BARTILMAAMEED U YIHIIN HAY’ADAHA AMNIGA
DOWLADDA FEDERAALKA!

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading