Hoggaanka SSC oo ka hadlay dhaqaalaha laga joojiyay Somaliland

Guddiga Aaya  ka talinta Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa soo dhaweeyay go’aanka Dowladda Britain ay dhaqaalaha uga jartay Ciidanka Maamulka Somaliland kadib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira in Ciidanka Somaliland ay gabood fallo ka geysteen Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah guddiga, lana hadlayay Idaacadda Shabelle, ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo go’aanka Dowladda Britain ee dhaqaalaha looga joojiyay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maamulka Somaliland.

Maxamed ayaa xusay in dhaqaalaha dowladda Britain ay Somaliland u adeegsan jirtay in ay ku dhibaateyso Shacab aan waxba galabsan.

ku eedeeyay Maamulka Somaliland in ay geysatay xadgubyo ka dhan ah aadanaha, isgoona xusay in Ciidanka Somaliland ay duqeymo ku beegsatay goobaha ay ku badan yihiin shacabka, taasi laga dhaxlay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac ballaaran.

Go’aanka lagu joojiyay dhaqaalahii lagu taageeri jiray Wasaaradda Gaashaandhigga Maamulka Somaliland ayaa dhaqan gelin doona 31-ka bishan, iyadoo Dowlada Britain ay ahmiyad gaar ah siin doonto arrimaha bini’aadannimada.

Dowladda Britain ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay la xisaabtan la’aanta Ciidanka maamulka Somaliland iyo sida ay ula dhaqmeen dadkii banaanbaxyada ka dhigayay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dhowaan ayay aheyd markii Hay’addaha xuquuqul Insaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ay dalbadeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo waxa ka socda Magaalada Laascaanood, maadaama ay soo baxeen warar sheegaya in Ciidanka Somaliland ay gabood-fallo ka geysteen Xarunta Gobolka Sool.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading