JUBALAND LA WADA LEEYAHAY

Tusmo  

  1. Hordhac
  2. Arrimaha Dastuurka
  3. Arrimaha Nabadgelyada iyo Awood-qeybsiga
  4. 3 a) Al-shabaab oo ka taliya qeybo badan oo ka mid ah deegaannada Jubaland.
  5. 3 b) Saameynta ciidamada shisheeye ee Jubbalad oo meesha laga saaro
  6. 3 c) Awoodda dawladda iyo kheyraadka oo aan loo sinnayn
  7. Tabashooyinka guud iyo midda gobolka Gedo
  8.  4 a) Doorasho xor iyo xalaal ah oo aan ka dhicin Jubaland muddo 13 sano ah.
  9. 4b) Fulin la’aanta heshiisyadii hore
  10. 4 c) Xallinta Tabashooyinka Gobolka Gedo
  11. Dhab-u-heshiisiin dhammeystiran
  12. Gunaanad

Lifaaq A

  1. Hordhac :
  2. Jubaland waa deegaan ka kooban saddexda gobol ee kala ah Gedo, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose. Waa deegaanka ugu kheyraadka badan deegaanada Soomaaliyeed, marka la eego xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, macdanta, biyaha, dadka iyo isu gudbidda ganacsiga xudduudaha ay la wadaagto dalalka dariska ah. Haddana waa deegaanka ugu faqiirsan uguna horumarka yar marka la barbar dhigo deegaanada kale ee Soomaaliyeed. Sababta ugu weyn waa iyadoo aysan jirin deganaansho siyaasadeed iyo mid bulsho toona, waana deegaanka Kaliya ee gacanta ugu jira jabhadihii qabiilka mid ka mid ah, mana yeelan dawlad-gobolleed loo wada dhan yahay. Jubaland waxaa dega dhamaan qabiilada kala duwan ee ay Soomaalidu ka kooban tahay. Taas oo ay kaga duwan tahay dawlad-gobolledyada kale ee dalka. Arrinkaasi waxaa uu si mug leh uga qeyb-qaadan karaa dib-u-heshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada Jubaland. Bulshada reer Jubaland muddo dheer ayey ku taameysay burburkii dawladdii dhexe ka dib in ay sameystaan dawlad-gobolleed loo dhan yahay oo u horseedda nabad iyo horumar, xasillooni siyaasadeed, caddaalad iyo adeeg bulsho. Hase yeeshee waxaa dhicisoobay himmiladii iyo doonistii dadka reer Jubaland ka dib markii qori caaraddii, ciidan iyo cudud shisheeye ay ku qabsatay jabhadii Raaskaanbooni oo dil, dhac, kufsi, boob iyo barakicin kula kacday dadweynaha reer Jubaland. Hadaba si wax looga qabto dhibaatooyinkaas muddada dheer soo daashaday Jubaland loonna yagleelo dawlad-gobolleed loo dhan yahay waxaa lagama maarmaan ah in la garawsado waxna laga qabto waxyaabahan soo socda.
  3. . Arrimaha Dastuurka! Habkii loo maray sameynta dastuurka Jubaland ma ahayn mid laga qayb-geliyey dhamaan saamileyda reer Jubaland. Hannaanka sameynta dastuurka waxaa isku koobay shakhsiyaad tiro yar oo ka soo jeeda jabhaddii Raaskaambooni. Waxa intaa dheer in jabhaddaasi aysan dhaqan gelin Dastuurkaas, iyada oo dhinaca kalena markii uu maamulku u baahdo sameeyo is-beddel aan loo marin hannaanka wax ka beddelka dastuurka Jubaland oo ah in la helo 2/3 codadka Baarlamaanka. Haddaba si loo helo dastuur bulshada reer Jubaland ay wada leeyihiin, dammaanadna qaadaya xaquuqda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta, iyo waajibaadkooda, isla markaana horseedaya deggenaasho siyaasadeed, amni, heshiis bulsho iyo qeybsiga awoodda iyo kheyraadka, si caddaalad ah waa in:
  4. ⮚ In dib-u-eegid lagu sameeyo dastuurka Jubaland si uu u noqdo mid ay wada leeyihiin reer Jubaland, dammaanad-qaadayana xuquuqahooda aas-aasiga ah. ⮚ In caasimadda Jubaland laga dhigo magaalo leh kaabayaal dhaqaale oo kulansatay bulsho kala duwan iskuna xiri karta saddexda gobo lee Jubbalanad deegaan ahaan iyo dad ahaan.Sifahaas waxaa buuxin kara magaalada Baardheere. ⮚ Waa in xubnaha guddiga dib-u-eegista Dastuurka ay ka koobnaadaan 25 xubnood oo laga soo kala xulayo ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahan iyo cullumada oo ka soo kala jeeda bulshada saddexda gobol ee Jubaland taasoo ku saleysan 15 ka degmo ee Jubaland ka kooban tahay. ⮚ Guddiga dib-u-eegista dastuurka waxaa soo xulaya wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta ee dawladda Federaalka ka dib markii uu la tashado saameliyda siyaasadda ee Jubaland islamarkaasna raacaya habraaca Dib-u-heshiisiinta ee dastuurku dhigayo iyo waayo-aragnimadii lagu xalliiyey is-diidannaatii ka jirtay maamulka Gal-Mudug. ⮚ In Qaab-dhismeedka dawladda Jubaland uu noqdo mid ku saleysan hab-raaca awood qaybsiga 15kii degmo ee ay ka koobnaayeen saddexda gobol ee Jubaland ka hor 1991 (Jubbada Hoose 5 degmo, Jubbada Dhexe 3 degmo, iyo Gedo 7 degmo) sida uu qabo dastuurka federaalka. ⮚ In Dastuurka Jubaland laga dhigo mid la jaan-qaadaya oo waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. ⮚ In sixitaan iyo dib-u-eegis lagu sameeyo qodobbada dastuurka ee ku saabsan qaabka uu ku yimaado madaxweyne ku-xigeenka Jubaland taasoo ay mudan tahay inuu doorasho ku yimaado sida maamul goboleedyada kale.
  5. Arrimaha Nabadgelyada iyo Awood-qeybsiga
  6. a) Al-shabaab oo ka taliya qeybo badan oo ka mid ah deegaannada Jubaland. Alshabaab waxay caqabad ku yihiin guud ahaan Somaliya gaar ahaan Jubaland in laga hirgeliyo nidaam dowladeed oo dimoqraadi ah. Nidaamkaas oo u horseedi kari lahaa bulshada Jubaland nabad waarta, degenaasho siyaasadeed, iyo horumar bulsho. Waxaa muhiim ah in loo midoobo la dagaallanka Alshabaab iyo sidii dalkoo dhan looga sifeyn 4 lahaa. Sida keliya oo shabaab looga guulaysan karo waa in la tayeeyo loona dhameystiro qalabka iyo agabka ay u baahan yihiin (force enablers and force multipliers) ciidamada qalabsida ee Soomaaliyeed. Ciidamadu waa in ay noqdaan cidda kaliya ee sharciyada u leh la dagaalanka Alshabaab. ⮚ Jubaland waxaa ku sugan guutooyin ka tirsan ciidanka qalabka sida oo tiro iyo tayaba awood u leh inay Shabaab ka xoreeyaan deegaannada Jubaland haddii ay helaan qalabka ay u baahan yihiin iyo siyaasaddii hagi lahayd. Sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah in la hawlgeliyo, lana tayeeyo ciidaankaas. ⮚ Hubaynta qabaa’illada iyo jabhadaha beelaysan, waxaa ka dhalan kara guulo wakhti kooban ah (short term gains) laakiin waxaa laga dhaxlayaa khataro waaweyn oo xallintoodu ay adkaan doonto, sida; hubka oo gala gacan shacabka, reeraha oo isku adeegsada, qabaa’illada qaar oo Alshabaab taageero siiya, ciidanka oo qalbi jaba ama kala daata, hantida iyo nafta shacab oo Alshabaabku beegsadaan.
  7. b) Saameynta ciidamada shisheeye ee Jubbalad oo meesha laga saaro Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, Somaliya waxay hoy u noqotay faragelin shisheeye. Shisheeyaas oo ku hardamaya inay saameyn ku yeeshaan qaabeynta siyaasadda arrimaha gudaha, dibedda, dhaqaalaha/ kheyraadka iyo weliba xudduudaha. Shisheeyaha waxaa hagaya danahooda Is-tiraatijiyadeed (geo-strategic, geo-politic and geo-economic). Laga soo billaabo 1996 Juabbaland waxey la daala dhacaysay faragelin toos ah oo kaga imaanaysa dalalka deriska ah, kuwaas oo sababay isku dhacyo hubaysan oo dhex mara beelaha Jubaland, horumar la’aan baahsan iyo degenaansho la’aan siyaasadeed. Si gaara ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbalabd gaar ahaanna Kismayo waxaa ay maamulka u noqdeen garab iyo gaashaan, iyagoo u garbaduubay shacabka reer Jubaland intiiisa kale. Taageeradaas darted maamulku wuxuu kula kacay shacabka tacaddiyaad ballaaran, iyadoo ay dhici waydo doorasho dhab ah. Taas oo keentay in dowladduna heli waydo kalsoonida bulshada reer Jubaland. Sidaas darteed waxaan soo jeedinaynaa: ⮚ Si loo xakameeyo saameynta iyo faragellinta ciidammada shisheeye, waa in dowladda dhexe la furto wada hadal dowladaha deriska ah. ⮚ Dowladda dhexe iyadoo la tashanaysa saamileyda siyaasadda Jubaland waa in ay garwadeen ka noqotaa wada xaajoodyada lagu dhisayo jubaland loo dhan yahay. ⮚ Dowrka dowladdu waa farsamo (facilitation) iyo dhex-dhexaadin (mediation)

    c) Awoodda dawladda iyo kheyraadka oo aan loo sinnayn 

    Sida ku cad shaxda hoose (fiiri lifaaqa A) awoodda dowladda, Siyaasadda, dhaqaalaha, shaqaaleynta, ciidanka amniga iyo waaxda caddaaladda waxay gacanta ugu jiraan hal beel. Arragtida ama dhaqanka ku saleysan Nabadda guulaystaha (victor peace) ee ah in nabad lagu keeni karo xoog, cabsi gelin, caga juglayn, barakicin, caddaalad darro baahsan, boobka iyo dhaca hantida gaarka loo leeyahay, ku tagrifalka awoodda dowladda, adeegsiga laamaha amniga si arxan darro ah, cabburin iyo takoor siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa ah xaqiiqada ka jirta Jubaland wakhtigan mana aha mid sii jiri karta. Si haddaba loo helo Jubaland loo dhan yahay, nabad iyo barwaaqana dadkeedu ku wada nool yahay waa in: ⮚ Dib-u-habayn lagu sameeyo ciidanka amniga Jubaland qeybihiisa kala duwan, lagana dhigo mid loo siman yahay: hoggaankiisuna noqdo mid ay u dhan yihiin bulshada ku nool deegaannada Jubaland, laguna saleeyo degmooyinka Jubaland ka kooban tahay. ⮚ In si deg deg ah loo billaabo wada hadal dhab oo ku saabsan hannaan geeddi socod siyaasadeed si loo xaqiijiyo Jubaland loo dhan yahay. Geeddi socodkaas oo horseedda qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, wakhtigeedana ku dhacda, kuna saleysan dastuurka dalka iyo kan Jubaland ka dib markii dib-u-eegis lagu sameeyo. ⮚ In dib-u-qaabeyn lagu sameeyo laanta caddaladda (making it inclusive, responsive, and accountable) si ay wax uga qabato caddaallad-darrada baahsan ee ka jirta Jubaland, ayna u noqoto mid loo siman yahay. ⮚ In hannaanka qeybsiga maamulka maalliyadda iyo kheyraadka ama dhaqaalaha gudaha Jubaland iyo kan dibedda ka yimaada loo dajiyo hab-raac cad oo horay loogu heshiiyey (prior agreed resource sharing mechanism) sida degmooyinka, baahida deegaanka, caddadka bulshada ku-nool, baaxadda dhulka IWM, iyo in la daadejiyo dhaqaalaha soo gala Jubaland (fiscal devolution). ⮚ In si dhab ah oo hufan loo dhaqan geliyo siyaasadda iyo hab-raaca shaqo qorista Jubaland.

  8. Tabashooyinka guud iyo midda gobolka Gedo 
  9. a) Doorasho xor iyo xalaal ah oo aan ka dhicin Jubaland muddo 13 sano ah 

Sida lawada og yahay, 13-kii sano ee uu talada hayey maamulka hadda jira kama dhicin Jubaland wax doorasho ah oo buuxisey sharuudaha aas-aasiga u ah doorasho xor iyo xalaal ah. Awoodda iyo dhaqaalaha oo aan loo sinnayn iyo hannaanka is-magacaabista ee Jubaland ka jira waxay caqabad weyn ku yihiin in la gaaro xasillooni siyaasadeed, amni iyo horumar ay ku naaloodaan bulshada reer Jubaland. Qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah waxay laf dhabar u tahay dimoqoraadiyeynta Jubballand iyo in la helo hoggaan ku naalooda kalsoonida (trust), sharciyadda (legitimacy) iyo aqballaadda (acceptance) bulshada reer Jubaland. Haddaba si loo yagleelo Jubaland ku taagan tiirarkaas adag, waxaa lagama maar-maan ah: ⮚ In la qabto doorasho baarlamaan, mid Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen oo xor iyo xalaal ah, wakhtigeedana ku dhacda, isla markaana la helo damaanad[1]qaadka bulshada caalamka iyo dowladda dhexe. ⮚ In hannaanka iyo mabaadi’da hoggaya (guiding principles) doorashaasi ay noqdaan kuwo loo dhan yahay oo wadar oggol ah (inclusive and agreed upon). ⮚ In goobta doorasha iyo suggidda amniga doorashada guud ay mas’uul ka noqdaan hay’ado amni oo la isku raacsan yahay, lagana dheereeyo cid kasta oo saameyn wax u dhinta hufnaanteeda ku yeelan karta. ⮚ In guddiga doorashadu uu noqdo guddi la isla oggol yahay, oo ay u dhan yihiin deegaannada Jubaland. ⮚ Si loo daadajiyo dowladnimada waa in si degdeg ah loogu gudbo doorashooyinka gole deegaan oo bulshadu toos u soo doorato.

  1. b) Fulin la’aanta heshiisyadii hore 

Dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay heshiisyo badan ayey galeen saamileyda iyo maamulka Jubaland. Sidoo kale maamulku wuxuu sameeyey ballan-qaadyo badan, nasiib darrose dhamaan heshiisyadaas iyo ballanqaadyadaas waxba kama fulin. Arrintaan waxay 7 keentay in ay lunto kalsoonidii iyo aaminiddii shacabku qabi lahaa maamulka. Si kalsoonidaas loo soo celiyo, heshiis kasta oo la gaarana loo fuliyo waxaan soo jeedinaynaa: ⮚ In Dawladda Federaalku aysan la gelin heshiis maamulka Jubaland ee hadda jira, kaas oo aysan qeyb ka ahayn saamileyda reer Jubaland. ⮚ Dowrka dowladda dhexe waa fududaynta (facilitation) iyo dhex-dhexaadinta (mediation) dhinacyada is-haya ⮚ Heshiish kasta oo la gaaro waa in ay goob-joog iyo garantoor ka noqdaan dowladda dhexe iyo beesha caalamka. ⮚ Fulin la’aanta heshiis kasta oo la gaaro waxaa mas’uuliyadeeda qaadanaya dhinicii uu ka fuli waayo.

  1. c) Xallinta Tabashooyinka Gobolka Gedo 

Gobolka Gedo waxaa uu ka mid yahay Saddexda Gobolka ee Dawlad-goboleedka Juballand ka kooban tahay. Waxaa lagama maar-maan ah in aan loo sawirin tabashada ay qaaban Reer Gedo mid cusub amase uu abuuray maamulkii hore ee dawladda DFS. Sida la og yahay khilaafkan waxuu billowday ka dib markii kooxda Ras-camboni iyo ciidamada Kenya ay qabsadeen Kismayo, tacaddiyo ballaarana u geysteen bulshada deegaanka, sida; dilal, boobka hantida gaarka ah loo leeyahay iyo weliba barakicin baahsan. Waxaa xaaladda uga sii daray boobkii doorashooyinka iyo heshiisyadii lala gaaray maamulka Jubaland oo ay waxba ka fuli waayeen. Sidaas darteed waxaan soo jeedinayna: ⮚ In inta laga gaarayo heshiis buuxa, gobolka Gedo ay si ku meel gaar ah u maamusho dowladda dhexe, ayna gaarsiiso adeegyada bulshada iyo deeqaha caalamiga ah, iyada oo dajinaysa habraac gaar ah ee lagu gaarsiinayo gobolka deeqaha caalamiga ah iyo adeegyada bulshada (temporary Gedo special arrangement). ⮚ In maamulka gobolka Gedo loo daayo sida uu hadda yahay illaa gole deegaan laga dhisayo. ⮚ In ciidamada gobolka jooga la hawl-geliyo si ay gobolka iyo deegaannada ku dhow ugu saaraan Alshabaab. ⮚ In si dhaqso ah loo hirgeliyo dhismaha golaha deegaanka degmooyinka Gobolka. Hannaanka maamul u sameynta degmooyinka waxaa mas’uuliyaddeeda kowaad qaadanaya maamulka gobolka Gedo iyaga oo kaashanaya aqoon yahanka iyo hoggaanka dhaqanka. Dowrka dowladda dhexe iyo kan Jubaland waxaa uu ku 8 kooban yahay kor-joogteyn, farsamo (technical and financial support) iyo sharciyeyn.

  1. Dhab-u-heshiisiin dhammeystiran  

Hannaanka loo marayo dhab-u-heshiisiin waarta oo Jubaland ka hirgasha, waa inay yeelataa labo waji oo isgarab socda oo kala ah 1) Mid siyaasadeed (political reconciliation) iyo 2) mid bulsho (social reconciliation). Si dhab-uheshiisiin uga dhacdo deegaannada Jubaland, waxaa lagama maar-maan in maamulka hadda ka jira Jubaland uu qaato mas’uuliyaddiisa uuna diyaarinayo jawi lagu dhiso kalsooni (trust/confidence building) kaas oo u horseedaysa Jubaland in la gaaro heshiis dhab ah iyo nabad waarta. Tallaabooyinka aas-aasiga ah ee kalsooni dhiska waxaa ka mid ah:- ⮚ In maamulku ka garaabo tacaddiyadii iyo gefafkii dhacay, uuna bixiyo diyada dadkii gacanta ciidankiisa ku dhintay. ⮚ In la celiyo hantidii shacabka ee sida sharciga ah loo lahaa. ⮚ In hannaankan dhab/dib-u-heshiisiinta uu qeyb ka noqdo dib u eegista dastuurka Jubaland, iyo diyaarinta xeerar bulshadu wada leedahay oo lagu dhaqmo oo ku saleysan ku dhaqanka iyo mabaadi’da shareecada islaamka. ⮚ Si loo dhaqan geliyo dhab-u-heshiisiin beelaha, waa in la abuuro wada hadal u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega Jubaland, si loo abuuro jawi deggen (conducive environment) oo suura geliya nabad waarta oo ay ku wada noolaadaan. ⮚ In hannaanka kalsooni dhiska iyo is-cafinta la daadajiyo iyadoo la gaarsiinayo deegaanada Jubaland oo dhan. ⮚ Si loo xaqiiyo oggolaanshada bulshada (social buy-in) ee hannaanka dhab-u[1]heshiisiinta, waa in loo diro deegaannada wafuud sar sare oo isku dhaf ah, kuwaas oo qabta shirar gaar-gaar ah iyo mid guud oo dadka lagu wacyi gelinayo, laguna heshiisiinayo, iyadoo la dhageysnayo dareenka iyo cabashada bulshadu qabto, si loo gaaro xal waara.

  1. Gunaanad  

Dhowr iyo tobankii sano ee uu jiray maamulka Jubaland waxa dhacay tacaddiyo badan oo naf iyo maalba leh. Awooddii dowladda, dhaqaalihii, ciiddamaddii, laantii caddaalada iyo hannaanka shaqaaleyntaba waxay ku jiraan gacan hal qoys. Hannaanka nabadda guulaystaha (victor’s peace) ee ku dhisan nabaddu waa sida u arko kan guulaysta ee ah cabburinta, dilka, barakicinta, 9 cabsigelinta ma ahan mid la joogteyn karo. Jubaland si ay uga hirgasho deggenaasho siyaasadeed, nabad waarta iyo horumar ay ku naaloodaan shacabkeedu, waxaa lagama maar-maan ah in la hirgeliyo hannaan hufan oo la isla oggol yahay kaasoo sahla inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in la helo dowlad haysata kalsoonida, rabitaanka iyo sharciyadda bulshada reer Jubaland. Si taasi u dhacdo, waxaa lagama maar-maan ah in la hirgeliyo arrimahan:- Waa in dib-loo-eego dastuurka Jubaland, si uu noqdo mid ay wada leeyihiin reer jubaland. Awoodda dowladda iyo kheyraadka Jubaland oo loo sinnaado, doorasho xor iyo xalaal ah loo qabto, iyadoo hannaanka, amniga goobta doorashada lagu heshiiyey, dib loo habeeyo ciidamada Jubaland (daraawiish, nabad-sugid, police iyo SNA). Saameynta tooska ah ee shisheeyaha waa in meesha laga saaro. Shabaab waa in laga xoreeyo Jubaland, iyadoo ciiddamada qaranku dowrkaas qaadanayaan. Waxaa kale oo lagama maar-maan ah in la helo damaanad qaad si ay u fulaan heshiisyada lala gaaro maamulka Jubaland hadda ka arrimiya. Arrinta Gobolka Gedo, waa in inta xal kama danbays ah laga gaarayo ay dowladda dhexe maamusho, lagana hirgelinaya hannaan gaar ah (special arrangement for Gedo) si deeqaha caalamiga ah iyo adeeegyada bulshada loo gaarsiiyo bulshada gobolka. ugu danbayntii dhab-u-heshisiin waarta si loo gaaro, waxaa muhiim ah in maamulku qaato mas’uuliyaddiisa oo uu abuuro jawi kalsooni dhis ah.

Lifaaq A 

Security Sector: 

⮚ Deputy State Police Commissioner: Mohamed Nasir Guled Hassan (Ogaden)

⮚ Lower Juba Police Commissioner: Sadiq Mohamud Dhogor (Ogaden)

⮚ Airport Security Chief: Mohamed Hayi Ahmed (Ogaden)

⮚ Commander of JL Prison: Mohamed Aaqib Hirsi (Ogaden)

⮚ Sea Port Security Chief: Zakariye Mohamed (Weyteen/Absame)

⮚ State House Security Chief: Mahad Yahbul (Ogaden)

⮚ Head of JISA: Mohamed Ahmed Sabriye (Ogaden)

⮚ Commander of Danab: Arab Dheeg (Ogaden)

⮚ 43 division commander: Bogmadow (Ogaden) 

Judiciary: 

⮚ Jubaland Chief Justice: Abdishakuur Ibraahim (Ogaden)

⮚ Kismayo District Court: Muse Osman Gedi (Ogaden)

⮚ Lower Juba region Appeals Court: Nur Salad Abdullahi (Ogaden)

⮚ Deputy Attorney General: Ahmed Nur Abdullahi (Ogaden)

⮚ Chair of the Jubaland Military court: Bashir Mohamud Hareed) (Ogaden)

Commissions/institutions: 

⮚ Director General of Jubaland bureau of standards (Tayo Dhorwka Jubaland): Ibrahim Abukar Mohamed (Ogaden)

⮚ Chair of Jubaland Civil Service Commission: Siyaad Ibrahim Mohamed (Ogaden)

⮚ Chair of Jubaland Refugee Agency: Eng Cabdi Xuseen Maxamed (Ogaden)

⮚ Deputy Chair of Jubaland Refugee Agency: Mohamed Sheikh Qadar (Ogaden)

⮚ Secreary General Jubaland Land Authority: Hassan Abdullahi Omar Karate (Ogaden)

⮚ Jubaland Independent Electoral and Boundaries Commission – Siyaad Mohamed Mursal (Ogaden)

⮚ Head of Jubaland Bank: Zakariye Afdhub (Ogaden)

⮚ Auditor general: Bashir Mohamed Bahale (Ogaden)

⮚ Director of DDR Jubaland: Ibrahim Shugri (Ogaden)

⮚ Head of Immigration Jubaland: Ibrahim Suldaan (Ogaden)

Social groups appointed by JL: 

⮚ Head of Jubaland Chamber of Commerce: Hussein Rabi Kahin (Ogaden)

⮚ Chair Jubaland Non- State Actors Association: Abdifitah Jalwa (Ogaden)

⮚ Jubaland Speaker of Elders: Cumar Hirey (Ogaden)

⮚ JL State chair of youth: Abdiwahab Bile (Ogaden)

⮚ Chairperson of the Women Organization: Fadumo Katela (Ogaden)

Waxaas ma wax cadaalad ah baa ayadooy Juballan degaan eey ku sugan yahiin Somali oo dhan oo dastuur beenaadka 4.5 naloo dhiibay xataa inuusan ku dhaqmin ma suura gal baa? 

 

Qabiilada dega Juballand oo dhan  

Waxaa kaloo jubbaland degen gaaljecel,sade, shiikhaal iyo cawrmale Sedexda gobol ee jubbaland waxaa loo kala daga sidan Jubbada hoose: Kismaayo-gaaljecel/harti/shikaal Afmadow-absame Badhaadhe-gaaljecel/marexan Xagar-absame

Jubbada dhexe: Buale- gaaljecel Sakow-gaaljecel/shikhaal/Raxan-weyn Jilib-gaaljecel/shikhaal/jareer Xaramka-shikhaal

Gedo- Luuq-sade Baledxawo-sade Baardheere-sade/cawlyahan/Raxan-weyn/shikhaal Garbahareey-sade Ceelwaaq-sade Doolow-sade

Waxaan ku soo gunaanadayaa in Jubalan eey astaanta Israel (Yuhuuda) kula dhaqnto walaalaha islaanka oo kale ah ineey ka socoto waxaan dhihi lahaa mujrinka dhiiga iyo dhita wadanka iibsaday isagoon u dhalan Somalia oo ka yimid kilinka 5aad Amer Axmed Madoobe ha laga qabto muwaadiniinta Somaalida ah, dadka uu dilay iyo kuwuu musaafiriyey oo wadanka u dhashay ha laga qabto, aan tixraacno Taliyihii hore ee NISA Fahed Yaasiin oo noo sheegay inuu yahay sun lagu dhex beeray Soomaalida ogoow ma uusan dhihin sun Somaalida la dhex helay waaye waa lagu dhex beeray, oo ah ninkaan jaajuus inuu Somalia dhabarka ka jebiyo ayaa loo keenay wuuna wadaa aan iska qabano Somaliyeey.

@MCaanogeel1

 

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading