Kaligii Taliye Xasan Shiikh oo Xabsiga Dhigay Wariye Cali Nuur Salaad

Muqdisho, Soomaaliya — Waxaa magaalada Muqdisho lagu xidhay caawa fiidkii Wariye Cali Nuur Salaad, Cali wuxuu ahaa Madaxii xafiiska warbaahunta ee xiligii Raysalwasaaraha Soomaaliya xiligii Xasan Cali Khayre.

Cali, si Xasan Shiikh uu Madaxweyne u noqdo wuxuu gaadhay heer uu Xafiiskii uu madaxda ka ahaa ee Raysalwaasaraa uu ugu basaaso adeerkii Xasan Shiikh, Markii dambe na intuu iscasilay weliba soo caayo.

Nasiib daro, caawa waxaa Muqdisho ku xidhay adeerkiisi uu u dagaalamay oo ah Xasan Sheekh, kadib markii Cali Nuur dhawr jeer soo duubay muuqaalo hal daqiiqo ah oo uu Xasan Sheekh ku dhaliilayo.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska qaybta Waaberi ayaa lagu yidhi sidan;

MUQDISHO 22/7/2024.

Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari oo gudanaya waajibaadka Qaranka, ayaa soo xiray eedeysane Cali-Nuur Salaad Xasan 38 jir ah,kuna eedeysan falal iskugu jira Anshax-daro, been-abuur iyo
aflagaado Ciidammada Qalabka sida.

Waxaa kusocota baarista Boliiska Waxaana la horgeydoonaa Maxkammada awooda uleh.

Muwaadin hadii aad lakulanto falal ammaanka liddi ku ah lasoo xariir xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kuso hagaaji banadir@bolice.gov.so.

                         Wabillahi-Towfiiq


Muuqaalada lagu xidhay waxaa ugu dambeeyey muuqaalkii xalay uu ku baahiyey baraha bulshada oo nuxurkiisu ahaa “Madaxweyne dal, ma ahaan karo nin daroogada iyo jaadka ka ganacsada” taasoo uu ula jeeday Xasan Sheekh Maxamuud oo ah taariikhda Soomaaliya Madaxweynaha keliya ee daroogada iyo hubka ka ganacsada.


Xigasho:// Wariye Cabdirisaaq Terra


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading