Koonfur Galbeed iyo Jubaland oo ka hor yimid qorshaha Xasan Shiikh ee ATMIS

Baydhabo, Kismaayo — Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa muujiyey in aysan la dhacsanayn in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sanadkaan.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa Jimcihii sheegay in dawladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sanadka 2024, marka uu dhammaado hawlgalka ATMIS.

Xuseen Shiikh Cali, oo ka hadlay X Space ay leedahay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Janaayo 2025-ta.

Hase yeeshee fikrado taas ka duwan waxaa bixiyey mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul oo degaanadooda ay ka hawlgalaan ciidamada Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa u sheegay VOA in ay arrintaasi tahay “Xaalad adag.”

“Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarijta, mana ahan arrin la isku raaci karo dadka wax wada leh,”ayuu yiri.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Dawladda Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in haddii ay Ciidamo Ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya inay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

“Haddii hadda Dalka Ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan tahay in laga wada tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,”Ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir.

Nomadicvoice (@Nomadicvoice11)

Waxaa Qoray://𝕯𝖗. 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆 (@TiginTaagane)

© Nomadicvoice 2024


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading