Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Caasimada Dowladda Koonfur Galbeed ee Baraawe

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Caasimada Dowladda Koonfur Galbeed ee Baraawe.
Socdaalka Madaxweynaha ee Magaalada Baraawe ayaa ah Xaragjarka Mashaariic dhowr ah oo laga Fuliyey Caasimada, Dhagax-dhiga kuwo horleh iyo Dhiiragelinta Dadka Deeganka iyo Qeybaha kala duwan Ciidamada ee Udiyaar garoobey la dagaalanka Khawaarijta Alshabaab.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose,Duqa Caasimada Baraawe,Saraakisha Laamaha Amniga iyo qeybaha Kala duwan Bulshada.
Socdaalka Madaxwaynaha ayaa qayb ka ah socdaalo badan oo uu ku tagayey Magaalooyinka uu ka kooban yahaya Koonfur Galbeed.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading