Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safarkiisii Labaad Ku Tagay Dalka Qatar

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay daawashada ciyaarta kama dnabeysta koobka Adduunka ee caawa wada ciyaarayaan xulalka Argentina iyo France, iyadoo madax kala duwan ay dowladda Qatar casuuntay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa sidoo kale inuu la kulmo madaxda Qatar iyo kuwa dalalka kale ka socda, isagoo kala hadli doona dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee dowladiisa hormuudka u tahay.

Si kastaba, waa safarkii labaad uu madaxweyne Xasan ku tago dalkaasi Qatar tan iyo markii 15-kii May loo doortay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, waxaana mudooyinka soo hagaagaya xiriirka xukuumadaha Doxa iyo Muqdisho.

Madaxweyne Xasan ayaa ka soo duulay dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga soo qeyb galay shirka Afrika iyo Mareykanka, isagoo kulan gaar ahna la soo qaatay madaxweyne Joe Biden.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading