MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY QEYBTA WACYIGELINTA KA DHANKA AH FIKIRKA ARGAGIXISADA EE WARBAAHINTA QARANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY QEYBTA WACYIGELINTA KA DHANKA AH FIKIRKA ARGAGIXISADA EE WARBAAHINTA QARANKA
Muqdisho, Nofeembar 23, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey Warbaahinta Qaranka, taas oo loogu tala-galay in shacabka Soomaaliyeed lagaga waxyi-geliyo fikirka xagjirnimada ah oo dhibaato weyn ku haya dalkeenna.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu istaagtay la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, taas oo ka mid ah saddexda qorshe ee lagu cirib tirayo argagixisada Alshabaab oo kala ah; dagaalka fikirka, dagaalka dhaqaalaha iyo dagaalka ka socda furimaha dagaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo argagixisada, waxa uuna sheegay in mowqifkaasi uu horseeday guulo isdaba joog ah oo laga gaaray dagaalka argagixisada iyo sida loo wiiqay awooddooda dhaqaale iyo saameyntooda fikir, isagoo xusay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu dagaalkan door ku leeyahay.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Wasaaradda Warfaafinta in qeybtan u xilsaaran wacyigelinta ka dhanka ah fikirka xagjirnimada ay noqoto mid hoggaamisa dagaalka lagula jiro fikirrada gurracan ee argagixisada, waxa uuna u sheegay in ay kaashadaan Wasaaradaha dhiggooda ah ee heer dowlad-goboleed.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading