Maxaa ka socday garoonka Joma Kenyata oo soomaalida lagu silcinayo.

Waxaan maanta garoonka Jooma Keenyaata ee Nayroobi ku arkay Soomaali fara badan oo inta ummadihii kale dhinac looga soocay garoonka ku silacsan.

Waa dad 7aadyo sugayay in ay fiisaha Kenya helaan, laakiin markii la siiyay oo ay garoonka yimaadeen, ayaa inta dhinac looga saaray safarreydii kale laga aruurshay waraaqihii fiisooyinka ee ay wateen, si loo soo hubiyo sax ahaanshahooda – waa howl saacado qaadan karta.

Isla xilligaas waxaa si xarraga leh baasaboorrada loogu dhufanayaa fiisooyin madax Soomaali ah oo isugu jira qaar baasaboorra shisheeye wata iyo kuwa dibomaasi wata!

Sarkaal Kenyan ah oo aan weydiiyay sababta dadka Soomaalida ah loo takooray (inkastoo aan ogahay), ayaa isagoo igu qoslaya igu yiri ”Intaani waa kuwii aadka u nasiib badnaa oo loo oggolaaday in ay Kenya soo galaan.”

@ Abdikasim Moalim


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading