Sawir Ku Tusinaya Soo Ifbixii Argagaxisadda Ee Geeska Afrika Iyo Isku-Milankii Maxaakiimta Iyo Al-Shabaab

Sawirkan waxaa la qaaday bishii luulyo 2006-dii, waa 18 sano kahor. Waxaa ka muuqda rag hubaysan oo gaari jiib ah saaran oo uu qori culus ku xiran yahay. Raggan idiin muuqda labo nin oo kamida waa rag waaweyn oo mid kamida sawir aan laga hayn, inta ogaalkayga, aan laga haynin. Intaan magacyadooda idiin sheegin aan idiin ka dabageeyo sooyaalka sawirkan iyo wixii dhacay maalintii la qaaday iyo maalmihii ka horreeyay.


Billowga bishii July ee 2006-dii ayaa Midowga Maxkamadaha Islaamiga (MMI) waxay Cabdi Xasan Cawaale Cabdiqaybdiid ku wargeliyeen inuu isaga baxo qabqablayaasha ku midoobay la dagaallanka argaggaxisada. Odayaal iyo rag tolka ah ayaa loo diray Cabdiqaybdiid, balse waa uu diiday oo wax aan dagaal ahayn inuusan doonayn ayuu sheegay. Markiiba waxaa weerar lagu qaaday ciidankiisii iyo base-ka uu muqdisho ka deganaa.

Dagaal labo maalmood iyo dheeraad socday oo gaaray heer maryo dhiig leh la kala furto ayaa uu markii dambe Cabdiqaybdiid isdhiibay. Dagaalka culayskiisa waxa uu ka dhacayay koonfurta Muqdisho. Ex Control illaa Saybiyaano ayaa la isku dubanayay. Ugu dambayn, waxaa laga itaal roonaaday ciidankii Cabdiqaybdiid oo ugu dambayn iyada oo ay odayaashii uu horay u diiday markan u oggolaaday inay soo dhexgalaan. Hubkiisii iyo gawaaridiisii waxaa la isugu geeyay Villa Baydhabo. Halkaas ayay MMI kula wareegeen 43 tikniko iyo madaafiic iyo noocyo kale oo hub ah. Sidoo kale, waxa ay maalintaa MMI gacanta ku dhigeen gaari xammuul ahaa oo hub iyo rasaas u siday Cabdiqaybdiid.

Haddaba subaxdii hubka iyo gaadiidka dagaalka ay MMI kala wareegayeen Cabdiqaybdiid ayaa la qaaday sawirkan. Ninka darawalka ah ee isteerinka haya waa Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo garan ogyahay Fu’aad Shangole. Waxa uu markaa ahaa madaxii waxbarashada ee MMI, hadda waxa uu ka tirsan yahay madaxda iyo maammulka sare ee AS. Ninka taagan ee tuutaha xiran waxa uu sitaa dhalo khamri ah oo uu ka soo qaniimaystay gurigii Cabdiqaybdiid. Balse ninka labaad ee aan sheegayay ee loo badinayo inuu sawirkan yahay midka kaliya ee laga hayo ee shaacsan inta ogaalkayga waa ninka cummaamada cas xiran ee qoriga AK47 kor u taagaya; WAANA IBRAAHIM XAAJI JAAMACAD MEECAAD (IBRAAHIM AFQAAN), Hoggaamiyihii ruuxiga ee Jihaadka caalamiga ee Geeska Afrika.


Waxaa daabacay 𝕯𝖗. 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆

Xuquuqda Qoraalka waxaa leh Aw Dacar.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading