Sawirro: Cali Guudlaawe oo Nairobi kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweyanaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Nairobi kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Shirkaan ayaa looga hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, xaaladaha deegaanada la xoreeyay iyo dardargalinta barnaamijka xasilinta oo muhiim u ah bulshada.

Cali Guudlaawe ayaa wakiilada beesha caalamka uga warbixiyay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaalada lagula jiro Al-Shanaab oo lagu xoreeyay degmooyin iyo deegaano badan oo muddo fog ay maamulayeen xoogaga Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa wakiilada beesha caalamka ee taageera Soomaaliya la wadaagay dardargalinta iyo xoojinta barnaamijka xasilinta ee laga fulinayo deegaanada iyo degmooyinka la xoreeyay si bulshadu u hesho adeegyada muhiimka ah Dowladda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo kulankaan muhiimka ah ay ku weheliyeen Wasiiradiisa Arrimaha Gudaha, Amniga, Qorsheynta, iyo Haweenka iyo Xuuqul Insaanka ayaa bogaadiyay doorka saaxibada beesha caalamka ee Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay la garab taagan yihiin Hirshabeelle.

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading