Sir ka qarsoon dad badan oo Soomaaliyeed Lkn Ubaahan baaritaan dhab ah, qaybna ka ah Badbaadinta shacabka

Maxaa laga sameeyaa waxyaabaha Qaraxyada loo adeegsado..?

 

Maqaal

1- Qaraxa Maxaa Laga Sameeyaa Xaggee se kasoo galaan Walxaha Laga sameyo ?

2- Intee Qeybood Baa Faa’iido ku qabto Qaraxyada Iyo Dhiiga Shacabka ?

3- Muxuu Yahey Ajendaha ka dambeeya in Shacab La maamulo La laayo ?

Waxaan Rabaa Qodob Qodob Inaan U dul istaago

1/1

Maxaa laga sameeyaa qaraxa sideena kusoo galaan Magaalada

Waxaa lagasameeyaa Maadooyin Isugu Jira Budo (TNT) Iyo Haraaga Biraha Baaburta Oo Garaashyada laga keeno , Waxeyna kasoo Galaan Dekadda Ganacsato Baa Keenta.

2/2
Kooxaha Faa’iidada Waxaa Ugu Horeeya

Ganacsadaha Maadooyinkan Dalka China Ka Dalpa ,Dowladda Oo Dekadda Ku Canshuurta Mrkey Adeegaasii Yimaado, Ganacsadaha Adeegaas lasii wareega Oo Saami Saarta Intuu kusoo helay , Guriga Lageeyo Qaraxa Mrka lasoo diyaarsho Ee ku xisaabtama Kirada Guryaha kale ka badan, Saraakiisha Laamaha Amaanka Goobta Qaraxu ka dhacaayo Ee Howshaan Fududeysa ,

Hadda Waxaan Joognaa Wixii ka dhashey Qaraxa , Waxa Ugu Horeeya Goobtaa Yimaada waa #AmblunceTa Dhaawaca Iyo Meydadka U kala tartamaysa Oo Qofkii 2daas kamida Midkiiba Dhaqaale U Saaranyahey Iyo Isbitaal walba Oo ku Xisaabtamaya Shacabka Gurmadka Ah Dhiiga Ay Shubayaan Oo Qofkiiba 20$ Ilaa 30$ ka doonaya , Intaa kadip Qofka Waxyeelada Kasoo gaartey Qaraxa Oo U dhintey Waxaa Albaabka U Taagan Kirada Gaarigii lagu Qaadi lahaa , Kii Qabriga Qodaayey , Kii Dhulka laga qodaayo lahaa Oo 3da Kooxba Dhaqaale Doon Yihiin Ama ka Sugayaan Marxuumkaas Qaraxa Kusoo dhintey .

3/3
AJENDAHA SHACABKA IN LA LAAYO

Waa Qorshe Balaaran Oo Taxane ah Intaan ka aragney Oo ku dhisan 3qodob…

* Shacabka Oo Qaab qabiil la iskugu mashquuliyo Dhiigoodana Laga Macaasho.
* Dowladda Oo aan Dooneyn Cid la Xisaabtanta Aragtida Shacab-kana Wadata.
* Beesha 6aad Oo Qaab Gumeysi Dadban Dooneysa Iney Nagu Maamusho Ayadoo isticmaaleysa Kaararka kala ah #TaageerayaashaDowladda
#NapadIlaalinta
#Dimuqraadiyeynta
#Abaaraha Oo Qodob kasta Maqaal Gaara Aan kudul istaagi doono I.a .

Hindisayaasha Iyo Cidda ka Dambeysa Qorshahaan Waa Dhowr Kooxood Oo Midabo Kala Duwan leh.

Qoraaga Iyo Hindisaha Maqaalkan Waa Khabiir Dhanka Amniga Ah kana Faallooda Arimaha Geeska Iyo Gudaha Somalia In Muddo Ahna Soo jirey.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading