Soomaaliya oo la wareegtay Shir Guddoonka Golaha Midowga Dhaqaalaha Dalalka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qaybgalay Shirka Golaha Midowga Dhaqaalaha Waddamada Carabta oo sanadkaan ay Shir guddoomisay Dowladda Suudaan. Shirkaan ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Hey’adda Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur ayaa kulanka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo ku saabsan marxaladda maanta ee Soomaaliya, sida dib-u-habeynta Maaliyadda, dhammeystirka Deyn-Cafinta iyo xiriika xoojinta Hey’adda dhaqaalaha dalalka Carabta.
Markii uu shirku soo dhammaaday, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu soo wareejiyay shir-Guddoonka Golaha oo Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur oo xilkaan hayn doona ilaa sanadka 2023 dhammaadkisa.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading