Soomaaliya sanadka 2054

Soomaaliya sanadka 2054

By Abdi Adam Hoosow
Former Minister of Public Works, Reconstruction and Housing FGS. Former Governor of Bay. Somalia

“Langky hiraabty raadka haky dhiyi, hergelky hoobby ky waayi, hoohinky ky haayi”
Maahmaah Af Maay ah!

“Ninka ku soo raadraaca aroortii, (Hargalka) duhurada hadduusan ku helin, habeenimo wuu ku hayaa”

Waa Muqdisho, Soomaaliya, sanadku waa 2054, waa qeyb ka mid ah Soomaaliyadii hore ee la kala qeybsadey, marna ahaan jirtey Caasimaddii Soomaali Weyn, intii wada socotey iyo intii maqneyd-ba.

Waa aroor hore oo ay ceeryaamo daran-ni jirto. Waxaa sii mugdiyeynaya hawada qiiq (qaac) cirka isku sharreerey ee magaalada dhankeeda koofureed ka baxaya. Waa la wada ogyahay inay maalin ciid ah ay tahay, haddana caruur cayaareysa iyo waaliddiin hageysa midna lama arko marka laga reebo ilmo dhif ah oo hadba meel ka soo muuqanaya iyagoo waalidkooda gacanta ku dheggan yahay oo guryaha lagula sii ordayo. Albaabadu waa xiran yihiin inta ay ishu qabato oo wax dhaqdhaqaaq ah ma jiraan dhan walba oo aad eegto wax aan jabaqda dabeysha aheyn lama maqlo.

Inkastoo ciidihii ka horeeyey ciiddan-ba aysan farxad buuxda jirin , haddana ciiddani waa tii ugu xumeyd inta la xusuusto dhowaanahan. Waa ciid aaney muuqan misna la maqleyn waxyaabihii ciidaha lagu yaqaaney, sida farxad iyo qosol, odeyaal iyo rag dhexaad ah khamiisyadii caddaa xiran ama dhalinyaro macawiisyo iyo shaarar gashan oo labada dhinacba waddooyinka kaga socda, ilmo masaajiddada loo sii wado, haweenka raxan raxan u socda oo wada xijaaban, jidad mashquul ah, waxaad taqaaney oo indhha, maskaxda iyo qalbigaba ay yaqaaneen, waxba kama jiraan, waddooyinkuna waa ay wada maran yihiin. Magaaladu waxaan socon-ba wax bani’aadam ah, marka laga reebo askar hubeysan iyo qolooyin aan iyagu askar-na aheyn balse sidoo kale hub fudud sita oo hadba askarta horey iyo gadaal-ba u socda la jaanqaadaya.

Waxaa hadba soo muuqanaya oo haddana ku sii dhaafaya gawaari isugu jirta kuwa yar-yar oo dusha ka furan oo ay ciidamo saaran yihiin, kuwa gawaarida raaxada ah oo ay saraakiil saaran yihiin iyo kuwo shabaqleyaal (gawaarida maxaabiista) ah oo dadka xabsiyada iyo goobaha lagu ciqaabo lagu sii geeyo.

Waxaa gawaarida maxaabiis ahaan qeybta danbe ku raran dad Soomaali ah oo dandaro, arad iyo murugo ka wada muuqato. Dadkaasi ma hadlaan, ma dhaqdhaqaaqaan oo indhaha uun bay wax ka eegaan. Hadba dhan bay isugu liicaan kolka gaariga dhinac u leexdo, waa isku dhib qabaan oo isku dul rarran yihiin, qaar baa dhaawac ah oo dhiig ka socdaa, laakiin ma cawdaan, ma ahan inaysan waxba dareemin ee xanuunka maskax ahaan iyo qalbi ahaan ay dareemayaan ayaa ka weyn midka jir ahaan markaasi haya.

Waa la isku wada xirxirey, oo midba midka kale ayuu ku xiran yahay, islamana hadlaan, xitaa isma eegaan. Waa dad nool oo misna mootan oo quus jooga, oo malaha jeclaan lahaa inay dhab ahaan isaga dhintaan si xanuun maskaxeedka iyo midka jirkaba uu u daayo, balse naftu waa ay ku jirtaa. Waase naf ay ku dhiban yihiin, kiraaheysteen, culeys ku ah, aysan waxna ka qaban karin. Waxay isugu jiraan rag iyo haween, caruur iyo waayeel iyo nooc walba oo ay bulshada ka kooban tahay.

Inkastoo magaaladu ay u muuqato mid maran haddana sidaa ma aha xaalku, dadka guryahay ka buuxaan. Caruurta afkaa la wada hayaa si aan oohintooda loo maqal oo cabsi baa lala soo bixi la’yahay. Waxaa la wada maqlayey xabadaha dhacayey, in Sheekh Muuse la diley-na dadku qaarna wey u jeedeen oo daaqadaha iyo duleelada albaabada ayey si dhuumaaleysi ah uga daawanayeen, iyagoo baqaya, qaarna wey iska qayaaseen ka dib markey jabaqda rasaasta maqleen. Inta badan markii ay xabadahaasi dhacaan ama howl-gal ciidan halagu jiro ama si kaleba ha u dhacdee, waxaa xaafadaha ku soo yaaca ciidanka u xilsaaran amniga xaafadaha oo soo qabqabashada dadka la tuhunsan yahay ay shaqadooda tahay. Albaab jebin baa xigeysa iyo in dadka dibedda loo soo saaro iyagoo la wada garaacayo, dabadeedna wixii is adkeya la toogto, inta kalena lagu raro gawaarida shabaqa ah.

Dilka Sheekh Muuse waxay dadku ka baqayaan in is qabqabasho iyo geeri badani xigi doonto. Taasaa keentey in albaabada ay xirnaadaan, caruurtana iyaga oo qaarkood gaajeysan yihiin guryaha lagu hayo, kii ooyana afka la qabto, heer qaar ay neefta ku xiranto ka dib markii cabsi darteed afka iyo sanka laga wada dabooley iyadoo aan la dareemeyn oo aan ku talo gal aheyn laakiin ay cabsida xad dhaafka ah ay keentey. Ma ahan, Sheekh Muuse dilkiisa kii u horeeyey, dadkuna waa og yihiin inuusan noqon doonin midka ugu dambeeya. Waa mid ka mid ah dhibaatooyinka joogtada ah ee dadka isirka Soomaalida sheegta lagu hayey sanooyinkii danbeeyey ee is xig-xigey.

Inkastoo beryahan-ba xaaladda amni ee magaalada aysan fiicneyn haddana, middan ugu danbeysey waxay salka ku heysay is af-garanwaaga ku qotomey diidmada isu soo baxa Salaadda Ciidda oo meel fagaare ah lagu ballamey oo beryahanba la isku hayey arinteeda. Waxay dooddu aheyd, ‘wixii salaad raba xaafadahooda ha ku dukadeen’. Odeyaashii loo yeerey ee Alla ha u naxariistee uu hoggaaminayey Sheekh Muuse waa soo diideen amarkii la soo siiyey ee ahaa in maalinta ciidda ah aan la addimin. Sheekh Muuse alle ha u naxariistee dooddiisu waxay aheyd, ‘sideen u deynaa waaba diinteenee, wax walba waad naga qaadateen, dhul, bad, dal iyo dadba, ma diintaan idinku darraa? heyhaata’! Waxaa lagu soo kala tagey digniin iyo hanjabaad loo soo jeediyey odeyaasha oo ka timid ciidanka.

Waa ihaano in muddo ah soo socotey iyo sannado badan oo isu ururey oo gunnimo ah natiijadooda. Muddo fog baa ka soo wareegatey markii shaqada in laga fasaxo loo diidey muslimiinta maalinta ciidda ah. Waxaa ka sii horeeyey, sharcigii xaarantinimeynayey in Soomaalidu ay degaan ka dhigtaan xaafadaha qaar ama guryo ka kireystaan, sida xaafadda Addis Nagar oo ah xaafadda madaxda keliya degaan iyo Mullu Safer oo ay degaan dabaqadda dhexe sida ganacsatada iyo shaqaalaha dowladda. Waa xaafado waaweyn oo qeybo u sii kala gogo’an oo si heer sare ah loo dhisey, amaankooduna aad u sugan yahay.

Muqdisho oo seddex u qeybsan, marka laga reebo labada xaafadood oo sida heerka sarre ah loo agaasimey dhismahooda, waxaa qeyb gees ah kaga yaal magaalada oo aad mooddaa inayba ka go’an tahay inta kale meel ay Soomaalidu Degas, waa halka keliya ee loo oggol yahay inay degto waayo qeyaha kale sharci baa u diidaya. Waxay ugu yeeraan Soomaalida xaafaddaasi Xorriyo, laakiin Itoobiyaanku u yaqaanaan ‘Kushasha’ (Wasaqda).

Waa meel dayacan oo faqiirnimo ba’an ay ka muuqato oo bulaacaduhu ay waddada ku fatahayaan. Dadka xaafadahan la isugu geeyey ee inkastoo ay dhul weyn ku fadhiyaan haddana hal deegaan isku ah ku nool, waa Soomaali dhamaantood.

Dadkaasi rag iyo dumar-ba wax shaqo ah ma hayaan mana helaan, waayo marka laga reebo jidgooyinka dhabta ah ee horyaala , caqabadaha noloshooda ku gudban qeybaha ugu weyn waxaa ka mid ah xagga helista shaqo oo ay ku qasban yihiin in ay soo caddeeyaan in aysan argigixiso aheyn, taasoo aad u adag in la caddeeyo, maxaa yeeley nadaamka dowladeed ee jira ayaa u sameysan in aan la aqbalin caddeymaha ay la yimaadaan.

Soomaalida oo iyagu ku wada shaabbadeysan argagixiso-nimo darteed, waxba wey tari weydey in ay yaqaanaan afka Amxaariga ah oo waxaa uun loo arkaa Argagixiye Af Amxaari ku hadlaya, sidoo kale waxaa denbi ah inay awoowe-yaashooda Itoobiyaanka la soo dagaalameen sannooyin badan ka hor. Waxaa muddaba hor taaley Soomaalida xaalad ay sinaba u guuleysan karin. Sidaa daraadeed, maba shaqeeyaan, xitaa iskuma dayaan inay helaan, waayo maba helayaan. Shaqo la’aantii waxay keentey dhaqaale xumo, dhaqaale xumadii waxay keentey in deegaanka Soomaalida u ekaado meel aan xayawaanaadka waar ku neolaan karin bani’aaddam warkiiba day.

Intaas waxaa u sii dheer jidgooyooyinka dhabta ah ee xaafadda Xorriyo hor yaalla ee lagu bahdilo marka ama sii galayaan ama ka soo baxayaan gabdhaha, hooyooyinka iyo waayeelada intaba. Askar baa joogta dabbaabado wata oo deggan, jidgooyo kasta qolal baa ka dhisan ujeeddo badan ah balse ay image ugh yeeraan xafiisyo. Qolalka waa lagu kufsadaa haweenka, kumanaan wiil ayaa ku dhintey arintaa foosha xun ka dib markii ay ka dhiidhiyeen oo si arxan daro ah madaxyada looga toogtey isla goobta, taas oo keentey in haweenku qarsadaan xumaanta lagu sameeyo oo qolka markey ka soo baxaan oo ay cabbage askarta kula giren magaca la huwinayana uu hayey baaritaan ay wixii loo geystey iskala aamusaan si ay wiilasha u badbaadiyaan oo iyagoo xanuunka uur-ku-taalada leh qosol been ah ku qariya, hoostana ka gubta, waayo kufsi iyo dilka walaalkeeda, ama seygeeda ama wiilkeeda oo horteeda lagu dilo waxay ka doorbidayaan in musiibadu mid uun tiro ahaan ku koobnaato, raggii Soomaaliyeed oo shakisan markey weydiiyaan in jirkeeda la taabtey ayey ugu dhaartaan inaan la taraban, qosol been aha wejiga surtaan, iyadoo laba xanuun isku qabta, mid seddexaadna ka carareysa. Waa nolol meesha ugu liidata meel ka sii liidata!

La soco qeybta danbe.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading