Wasaaradda Kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa noqoneysa wasaaraddii ugu horeysay ee magaca laga bedelo dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray wareegto uu magaca kaga badalayo wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya.

Wareegtada uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa loogu bixiyay wasaaradda magac cusub oo ah “wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah” (Ministry of Fisheries and Blue Economic).

“Magac-bedelidda cusub ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah (Ministry of Fisheries and Blue Economic), waxay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha XFS, waxaana lagu soo saaraya fulinta rasmiga ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Xamza Cabdi Barre.

Lama cadeyn sababta rasmiga ah ee keentay in magaca laga bedelo wasaaradda Kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa noqoneysa wasaaraddii ugu horeysay ee magaca laga bedelo dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading