Wasiirka Amniga Oo Ku Dhaawacmay Weerarka Villa Rosa Iyo Mas’uuliyiin Ku Go’doonsan

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar fiidkii hore ee xalay lagu qaaday hoteelka Vila Rose ee ku yaala nawaaxiga xarunta NISA ee magaalada Muqdisho

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo Ismiidaamin ahaa waxaa xigay dagaal toos ah, iyadoo xaaladda ay tahay mid aad u cakiran.

Kooxda Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa shaacisay in maleeshiyaadkooda ay ka dhex dagaalamayaan aagga madaxtooyada, iyagoo si rasmi ah aaney u shaacin bartilmaameedkooda.

Waxaa jira khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo weerarkan ka dhashay, dadka dhaawacyada ah waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmed Axmed Doodisho oo xiliga weerarka ku sugnaa goobta.

Xildhibaano, Wasiiro iyo siyaasiyiin hore ayaa ku sugnaa hoteelka xiliga la weeraray, iyadoo qaarkood la soo sheegay in la soo badbaadiyay, halka kuwo kalena gudaha hoteelka ay ku jiraan.

Ciidamadda amaanka ayaa gudaha hoteelka kula dagaalamaya kooxda, iyadoo gurmadyo kala duwan ay halkaasi tagayaan.Wasiirka Amniga oo ku dhaawacmay weerarka Villa Rosa iyo mas’uuliyiin ku go’doonsan.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading