Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Cabdalla Bin Zayid ayaa qaabilay Dhiggiisa Soomaaliya Abshir Haruuse

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Cabdalla Bin Zayid ayaa qaabilay Dhiggiisa Soomaaliya Abshir Haruuse.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi ayay labada wasiir diiradda ku saareen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo arrimo kala duwan oo labada dal si isku mid ah u daneynayaan.
Wasiirka Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdalla Bin Zayid oo soo dhaweeyay booqashada Wasiir Abshir Jaamac Haruuuse ayaa sidoo kale xaqiijyay sida ay uga go’antahay xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo sii hagaajintiisa si u adeegeysa xaqiijinta danaha labada dal, isla markaana taageereysa xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.
Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac, ayaa xaqiijyay in Soomaaliya ku dadaaleyso xoojinta xiriirka walaalnimo iyo wax wadaqabsi ee kala dhexeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ammaanay kaalinta Imaaraadka ew heer gobol iyo caalamaba.
Waxaa kulanka labada wasiir goobjoog ka ahaa Sheekh Shakhbuut Bin Nahyan Aala Nahyaan oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin kale.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading